Muxuu Trump oo ka yiri baaritaanka guriga Ilhaan?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDonald Trump ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn baaritaankii ay ciidamada federaalka ku sameeyeen guriga Ilhaan Cumar, isagoo isla markaana weerar ku qaaday Ilhaan iyo Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Trump oo la hadlay warbaahinta saacado kaddib markii ciidamada federaalka ay baareen guriga Ilhaan, ayaa sheegay in hay’adaha dowladda ay baaritaan ku hayaan xildhibaannada, balse uu isagu ka madax bannaan yahay howlgalkaasi.
- “Waxaan fahamsanahay inay si weyn u baarayaan arrinteeda.
- Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inuu Ilhaan u arko qof aad u xun oo cabasho badan, isagoo ku dhaliilay inay Mareykanka wax ka sheegto, inkastoo ay dalkaasi ku timid qaxootinimo.
- “Waxay ka timid dal aan dal ahayn, kaddibna halkan ayay timid oo ay ka cabaneysaa dastuurkeenna,” ayuu yiri.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee siyaasadda Mareykanka, gaar ahaan ku saabsan sida loo maareeyo siyaasiyiinta laga tirada badan yahay.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee la baarayo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Donald Trump ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn baaritaankii ay ciidamada federaalka ku sameeyeen guriga Ilhaan Cumar.
- Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada iyo dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay “dal aan dal ahayn”.
- Wasaaradda Caddaaladda ayaa xaqiijisay in howlgalkaasi qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed oo socda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn baaritaankii ay ciidamada federaalka ku sameeyeen guriga xildhibaan Ilhaan Cumar ee magaalada Washington, isagoo isla markaana weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada iyo dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay “dal aan dal ahayn”.
Trump oo la hadlay warbaahinta saacado kaddib markii ciidamada federaalka ay baareen guriga Ilhaan, ayaa sheegay in hay’adaha dowladda ay baaritaan ku hayaan xildhibaannada, balse uu isagu ka madax bannaan yahay howlgalkaasi.
“Waxaan fahamsanahay inay si weyn u baarayaan arrinteeda. Anigu mar walba waxaan u arkayey qof gebi ahaanba musuq badan, laakiin taasi aniga shaqo iguma laha,” ayuu yiri Trump.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inuu Ilhaan u arko qof aad u xun oo cabasho badan, isagoo ku dhaliilay inay Mareykanka wax ka sheegto, inkastoo ay dalkaasi ku timid qaxootinimo.
“Waxay ka timid dal aan dal ahayn, kaddibna halkan ayay timid oo ay ka cabaneysaa dastuurkeenna,” ayuu yiri.
Trump ayaa mar kale ku celiyey inuusan wax door ah ku lahayn baaritaanka, isagoo sheegay in arrintaasi ay u taallo Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka.
“Laakiin taasi waxay u taallaa Wasaaradda Caddaaladda. Anigu wax shaqo ah kuma lihi,” ayuu yiri.
Hadalka Trump ayaa yimid xilli Ilhaan Cumar ay maamulkiisa ku eedeysay inuu hay’adaha amniga u adeegsanayo cabsi-gelinta dadka siyaasadda ku mucaaradsan, iyadoo baaritaanka gurigeeda uu dhaliyey caro xooggan oo ka dhex aloosantay xisbiga Dimoqraadiga, saddex toddobaad oo keliya ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka.
Ciidamo ka tirsan waaxda baaritaannada amniga gudaha ee Homeland Security Investigations (HSI), oo hoos tagta hay’adda socdaalka Mareykanka ee ICE, ayaa subaxnimadii Isniinta baaritaan ku sameeyey guriga Ilhaan Cumar ee Washington, iyagoo watay amar maxkamadeed.
Wasaaradda Caddaaladda ayaa xaqiijisay in howlgalkaasi qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed oo socda, balse ma aysan shaacin faahfaahinta eedeymaha ama waxa si gaar ah loo baarayo.
Qof xog-ogaal u ah baaritaanka ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in kiisku la xiriiro tuhuno ku saabsan musuqmaasuq dhinaca socdaalka ah, oo ay ku jiraan dokumentiyo uu aabbaheed oo geeriyooday buuxiyey xilligii ay Ilhaan carruurta ahayd.
Ilhaan oo si kulul uga jawaabtay
Ilhaan Cumar, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah ee loo doorto Congress-ka Mareykanka, ayaa baaritaanka ku tilmaantay mid salka ku haya dano siyaasadeed, waxayna Trump ku eedeysay inuu muddo dheer waday olole ka dhan ah.
“Waan fiicanahay. Ha la ogaado in tani tahay isku day lagu beegsanayo cadaw siyaasadeed, laguna adeegsanayo hay’adaha fulinta sharciga ee federaalka,” ayay ku qortay barteeda X.
“Muddo toban sano ah, Trump wuxuu igu bartilmaameedsanayey been iyo ololeyaal sumcad-dil ah oo aan sal lahayn. Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee uu ku sii xoojinayo ololihiisa cabsi-gelinta siyaasadeed. La i aamusiin maayo,” ayay raacisay.
Xafiiska Ilhaan ayaa sidoo kale baaritaanka ku tilmaamay ku-takrifal awoodda dowladda, isagoo ku adkeystay in xildhibaannadu aysan wax dembi ah gelin.
“Ma jiro madaxweyne ay tahay in loo oggolaado inuu awoodda dowladda federaalka u adeegsado cabsi-gelinta dadka siyaasadda ku mucaaradsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiskeeda.
Hase yeeshee, hadalka Trump ee uu ku diiday inuu baaritaanka ku lug leeyahay ayaa kusoo beegmaya kaddib bilo ay mas’uuliyiin sare oo maamulkiisa ka tirsan si fagaare ah uga hadlayeen baaritaanno la xiriira taariikhda socdaalka ee Ilhaan.
Sabtidii, mar uu ka hadlayey isu-soo-bax siyaasadeed oo ka dhacay gobolka Tennessee, Trump ayaa mar kale weeraray Ilhaan, isagoo tilmaamay in madaxweyne ku-xigeenka JD Vance iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkiisa ka tirsan ay baarayaan arrimaheeda.
Vance ayaa hore Ilhaan ugu eedeeyey inay ku kacday musuqmaasuq dhinaca socdaalka ah, inkastoo uusan soo bandhigin caddeymo arrintaasi xaqiijinaya. Ilhaan ayaa marar badan beenisay eedeymahaas.
Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka, Markwayne Mullin, ayaa isaguna bishii hore sheegay inuu socdo baaritaan ku saabsan dokumentiyada socdaalka ee qoyska Ilhaan, isagoo ka digay in masaafurin ay dhici karto haddii la caddeeyo in si sharci-darro ah ay dalka ku galeen.
Ilhaan ayaa Mareykanka qaxooti ahaan ku tagtay sanadkii 1995, waxayna dhalashada dalkaasi qaadatay sanadkii 2000. Sanadkii 2018 ayay markii ugu horreysay ku guuleysatay kursiga Congress-ka, iyadoo matasha deegaan ka tirsan gobolka Minnesota oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Muranka waqtiga baaritaanka
Baaritaanka guriga Ilhaan ayaa sidoo kale dhaliyey su’aalo la xiriira waqtiga la fuliyey, maadaama ay Mareykanka ka dhici doonaan doorashooyinka dhexe ee Congress-ka 3-da November.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa muddo dheer lahayd habraac ay kaga fogaaneyso tallaabooyin baaritaan oo si muuqata u saameyn kara musharraxiinta siyaasadeed, gaar ahaan muddo ku dhow 60 maalmood ka hor doorashooyinka.
Inkasta oo maxkamad ay oggolaatay baaritaanka guriga Ilhaan, haddana wasaaraddu weli si cad uma sharraxin sababta ay howlgalka u fulisay xilli doorashadu aad u dhowdahay.
Reuters ayaa werisay in Wasaaradda Caddaaladdu ay ka hor baaritaanka la tashatay qeybteeda qaabilsan arrimaha musuq-maasuqa dadweynaha iyo ku-simaha wasiir ku-xigeenka caddaaladda, Trent McCotter.
Hoggaamiyaha Dimoqraadiyiinta ee Aqalka Wakiillada, Hakeem Jeffries, iyo mas’uuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan ayaa baaritaanka ku tilmaamay mid aad looga walaaco, iyagoo sheegay inuu dhaliyey su’aalo culus oo ku saabsan adeegsiga hay’adaha federaalka ee ka dhanka ah mucaaradka Trump.
Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa isaguna Trump ku eedeeyey inuu awooddiisa u adeegsanayo beegsiga dadka siyaasadda ku mucaaradsan ka hor doorashooyinka.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xiriirka Trump iyo Ilhaan uu muddo sanado ah ahaa mid colaadeed, isla markaana madaxweynuhu marar badan weerarro afka ah ku qaaday asalkeeda Soomaaliyeed, taariikhdeeda qaxootinimo iyo mowqifyadeeda siyaasadeed.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale wajahaya dhaleeceyn ku saabsan baaritaanno ay Wasaaradda Caddaaladdu ku sameysay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo si weyn u dhaliila madaxweynaha.
Trump ayaa ku adkeystay inuusan amrin baaritaanka Ilhaan, halka hay’adaha federaalku ay sheegeen inay ku dhaqmeen amar maxkamadeed.
Illaa hadda, ma jiraan wax dacwad dembiyeed ah oo si rasmi ah loogu soo oogay Ilhaan Cumar, mana la shaacin caddeymaha ay hay’adaha baaritaanku ku saleeyeen codsiga amarka lagu baaray gurigeeda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Donald Trump ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn baaritaankii ay ciidamada federaalka ku sameeyeen guriga Ilhaan Cumar, isagoo isla markaana weerar ku qaaday Ilhaan iyo Soomaaliya. Wasaaradda Caddaaladda ayaa xaqiijisay in baaritaanku qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed oo socda.
Qodobada muhiimka ah
- Donald Trump ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn baaritaankii ay ciidamada federaalka ku sameeyeen guriga Ilhaan Cumar.
- Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada iyo dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay “dal aan dal ahayn”.
- Wasaaradda Caddaaladda ayaa xaqiijisay in howlgalkaasi qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed oo socda.
- Ilhaan oo si kulul uga jawaabtay Ilhaan Cumar, ayaa baaritaanka ku tilmaantay mid salka ku haya dano siyaasadeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada Trump.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid siyaasiyiin kale oo ku saabsan baaritaanka.
- Faahfaahinta ku saabsan eedeymaha gaarka ah ee baaritaanka ayaa weli aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Baaritaanka guriga Ilhaan Cumar ayaa abuuray muran siyaasadeed oo weyn iyo eedeymo ku saabsan bartilmaameedka siyaasadeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee la baarayo?
- Sidee baaritaankani u saameyn doonaa xirfadda siyaasadeed ee Ilhaan Cumar?
- Maxay yihiin cawaaqibka ballaaran ee hadallada Trump ku saabsan Soomaalida Mareykanka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee siyaasadda Mareykanka, gaar ahaan ku saabsan sida loo maareeyo siyaasiyiinta laga tirada badan yahay. Sidoo kale wuxuu su'aalo ka keenayaa isticmaalka hay'adaha federaalka ee khilaafaadka siyaasadeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · trump · ilhaan · guriga
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada