NISA oo howl-gal ku dishay xubno Al-Shabaab oo muhiim ah, dhaawacday qaar kale
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
NISA ayaa sheegtay in laba horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, saddex horjooge oo kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay laba howlgal oo qorsheysan oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ku ma shaacin dalalka ay yihiin saaxiibada caalamka ee howlgalkan kala qayb qaatay.
- Sida lagu sheegay bayaanka NISA, howlgalkii koowaad ayaa 10-kii bishan Nofeembar ka dhacay inta u dhexeysa tuulooyinka Kheyranle iyo Butaale ee hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu dilay labo xubnood.
- Hay’adda ayaa magacyadooda ku kala sheegtay horjooge Ismaaciil, oo ahaa madaxii maaliyadda kooxda ee deegaanka Aboorey, iyo Makaraan, oo ahaa darawalkii horjoogaha kooxda ee degmada Maxaas.
- Waxaa sidoo kale howlgalkaas dhaawac culus lagu gaarsiiyay Cabdiraxmaan Cosobow, oo ay NISA ku tilmaantay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa degmada Maxaas, iyadoo ciidamadu ay burburiyeen gaari nooca NOAH ah iyo 50 xabbo oo rasaasta nooca Sabanka ah.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay xaaladda caafimaad ee horjoogayaasha Al-Shabaab ee dhaawacmay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Howlgalkii koowaad ayaa 10-kii bishan Nofeembar ka dhacay, iyadoo lagu dilay labo xubnood, oo ay ka mid yihiin Ismaaciil iyo Makaraan.
- Howlgalkaas waxaa dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay horjooge Bilaal, oo ka tirsanaa qaybta baadda ee kooxda, iyo horjooge Mahad, oo ka tirsanaa qaybta dhagarta ama maleegidda weerarrada.
- Hay’adda NISA ma shaacin dalalka ay yihiin saaxiibada caalamka ee howlgalkan kala qayb qaatay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa Talaadadii shaacisay in laba horjooge oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay, saddex horjooge oo kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay laba howlgal oo qorsheysan oo ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamku ay ka fuliyeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ku ma shaacin dalalka ay yihiin saaxiibada caalamka ee howlgalkan kala qayb qaatay.
Sida lagu sheegay bayaanka NISA, howlgalkii koowaad ayaa 10-kii bishan Nofeembar ka dhacay inta u dhexeysa tuulooyinka Kheyranle iyo Butaale ee hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu dilay labo xubnood.
Hay’adda ayaa magacyadooda ku kala sheegtay horjooge Ismaaciil, oo ahaa madaxii maaliyadda kooxda ee deegaanka Aboorey, iyo Makaraan, oo ahaa darawalkii horjoogaha kooxda ee degmada Maxaas.
Waxaa sidoo kale howlgalkaas dhaawac culus lagu gaarsiiyay Cabdiraxmaan Cosobow, oo ay NISA ku tilmaantay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa degmada Maxaas, iyadoo ciidamadu ay burburiyeen gaari nooca NOAH ah iyo 50 xabbo oo rasaasta nooca Sabanka ah.
Howlgalkii labaad oo dhacay 16-kii Nofeembar ayay ciidamada NISA ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmada Moqokori oo ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda, kaddib markii la xaqiijiyay xogta goobta ay ku sugnaayeen.
Howlgalkaas waxaa dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay horjooge Bilaal, oo ka tirsanaa qaybta baadda ee kooxda, iyo horjooge Mahad, oo ka tirsanaa qaybta dhagarta ama maleegidda weerarrada, inkastoo hay’addu aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdooda caafimaad.
Xaaladda dagaal ee gobolka Hiiraan
Weerarradan qorsheysan ayaa ku soo beegmaya xilli ay gobolka Hiiraan ka socdaan dagaallo joogto ah, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegtay deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka.
Intii lagu jiray duullaan ay kooxdu qaadday sanadkii 2025-kii, Al-Shabaab waxay la wareegtay magaalooyin istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin Moqokori, Maxaas iyo Aboorey, taas oo meesha ka saartay guulihii ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku ka gaareen rogaal-celintii sanadkii 2022-kii.
Xaaladda amni ee gobolka ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo Al-Shabaab ay Isniintii weerar kale ka fulisay agagaarka deegaanka Omad, taas oo ku qasabtay cutubyo ka tirsan ciidamada milatariga in ay dib-u-isu-habeyn ku sameeyaan fariisimahooda.
Qiimeyn ay bishii Juun 2026 soo saartay Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan Magangelyada (EUAA) ayaa lagu ogaaday in Al-Shabaab ay gacanta ku haysay degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ilaa bishii Maarso 2026, halka qaybaha kale ee gobolka Hiiraan ay ku jireen gacan-ku-hayn wadaag ah.
Warbixintaas oo soo xiganeysay xogta la socodka colaadaha ayaa diiwaangelisay 352 dhacdo oo amni darro ah iyo dhimashada 1,139 qof oo ka dhacay gobolka Hiiraan intii u dhexeysay Abriil 2025 iyo Maarso 2026, taas oo muujineysa darnaanta dagaalka ka socda gobolka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhowaad labaatan sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee caalamku taageero, iyadoo weerarro joogto ah ku qaadda ciidamada amniga, xarumaha dowladda iyo dadka rayidka ah.
Ugu dambeyn, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa ballan-qaadday in ay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda si loo burburiyo awooddooda, loogana hortago dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- NISA ayaa sheegtay in laba horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, saddex horjooge oo kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay laba howlgal oo qorsheysan oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Qodobada muhiimka ah
- NISA ayaa sheegtay in laba horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, saddex horjooge oo kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay laba howlgal oo qorsheysan oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
- Howlgalkii koowaad ayaa 10-kii bishan Nofeembar ka dhacay, iyadoo lagu dilay labo xubnood, oo ay ka mid yihiin Ismaaciil iyo Makaraan.
- Howlgalkaas waxaa dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay horjooge Bilaal, oo ka tirsanaa qaybta baadda ee kooxda, iyo horjooge Mahad, oo ka tirsanaa qaybta dhagarta ama maleegidda weerarrada.
- Hay’adda NISA ma shaacin dalalka ay yihiin saaxiibada caalamka ee howlgalkan kala qayb qaatay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan dalalka ka qayb qaatay howlgalada.
- Tirakoobka khasaare iyo faahfaahinta howlgalka waxay ku saleysan yihiin kaliya bayaannada NISA.
- Maqaalku ma jiraan jawaabo ka yimid Al-Shabaab ama xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha.
Gunaanadka akhristaha
NISA waxay fulisay howlgalado ay ku dileen oo dhaawaceen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, laakiin faahfaahinta weli ma xaqiijin.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay xaaladda caafimaad ee horjoogayaasha Al-Shabaab ee dhaawacmay?
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee NISA qaadi doonto ka dib howlgaladan?
- Sidee ayay howlgaladani u saameyn doonaan dagaalka socda ee Hiiraan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · shabaab · nisa