Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed oo kala-guur ah
Muqdisho – Hawlgalka Hawlgalka Kumeelgaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo kala-guur siyaasadeed ah, kadib wadahadallo dhacay 13–15 May oo u dhexeeyay dhinacyada siyaasadda dalka. Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay dib u bilaabista wadahadallada, isla markaana uga mahadcelisay saaxiibbada caalamiga ah doorka ay ka qaateen

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Hawlgalka Hawlgalka Kumeelgaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo kala-guur siyaasadeed ah, kadib wadahadallo dhacay 13–15 May oo u dhexeeyay dhinacyada siyaasadda dalka.
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay dib u bilaabista wadahadallada, isla markaana uga mahadcelisay saaxiibbada caalamiga ah doorka ay ka qaateen fududeynta iyo taageeridda kulamadaasi. Si kastaba ha ahaatee, UNTMIS waxay muujisay in ay ka xuntahay in kulamadii dhacay ay ku soo dhammaadeen iyada oo aan xal buuxa laga gaarin khilaafaadkii taagnaa.
Hawlgalka QM ayaa ku adkeeyay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay muujiyaan ka go’naansho dhab ah oo ku aaddan sii wadista wadahadalka, si loo gaaro xal waara oo la isku raacsan yahay, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaabka doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, UNTMIS waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha in ay u midoobaan wax ka qabashada xaaladda bani’aadantinimo ee dalka ka jirta, iyo sidoo kale la dagaallanka khatarta joogtada ah ee ay Al-Shabaab ku hayso amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan