Qoys reer miyi ah oo waxyeello ka soo gaartay duqeyn ka dhacday Calmiskaad
Hooyo xaamilo ah iyo saddex carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay duqeyn dhowr maalmood ka hor ka dhacday… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Hooyo xaamilo ah iyo saddex carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay duqeyn dhowr maalmood ka hor ka dhacday buuraley 30 km u jirta deegaanka Buruc oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.
Sidoo kale duqeynta oo ilaa hadda aan la ogayn cidda gaysatay waxaa ku dhaawacmay aabihii qoyska, waxaana arrintaas laga war helay shalay, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Buruc Daad Ciise Maxamuud oo la hadlay warbaahinta.
Guddoomiye Daad ayaa sheegay in duqeyntaasi ay dhacday afar berri ka hor, sababta loo ogaan waayayna ay tahay isgaarsiin la’aan deegaankaas ka jirta.
“Duqeyntaas waxay ku dhacday reer deganaa meel Buruc u jirta 30 km oo ka koobnaa haween xaamilo ah, saddex carruur ah iyo odaygii reerka, hooyadii xaamilada ahayd, saddexdii ciyaalka ahaa iyo xoolihii ay haysteen midna lama arag” ayuu yiri guddoomiye Daad.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan