Rag 16 berri badda sabaynayay oo ka soo caariyay Eyl
Saddex nin oo kalluumeysato ah ayaa shalay galab ka soo caariyay xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal, kuwaas oo sheegay… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Saddex nin oo kalluumeysato ah ayaa shalay galab ka soo caariyay xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal, kuwaas oo sheegay in ay ka mid yihiin kalluumeysatada magaalada Muqdisho.
Raggan ayaa sheegay in ay badda sabaynayeen 16 berri, kaddib markii xasiimad ay wateen uu matoorku ka xumaaday. Waxay sheegeen in ay markii hore ka baxeen xeebta Curuubo ee magalada muqdisho, qorshahooduna ahaa in ay hal habeen badda ku maqnaadaan.
Raggan ayaa xusay in 16-ka berri ay baad iyo biyo u ahaayeen jirigaan biyo ah oo ay markii hore wateen iyo cad libaax badeed.
Waxay tilmaameen in baddu gaysay 300 oo meyl, islamarkaana ay markii dambe shiraac xirteen, taas oo sababtay in ay ugu dambeyn ka soo caariyaan xeebta Eyl. Dadka xaafadda Badey ee Eyl ayaa raggan u gurmaday markii ay soo caariyeen.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan