Rag u dhashay Itoobiya oo kasoo muuqday maxkamadda ciidamada + Kiiska loo haysto
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dhageysatay dacwad loo haysto laba nin oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kadib markii lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada amniga Soomaaliya. Labadan eedeysane ayaa la sheegay in ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka […] Th

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dhageysatay dacwad loo haysto laba nin oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kadib markii lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada amniga Soomaaliya.
Labadan eedeysane ayaa la sheegay in ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ay ku qabteen howlgal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo markii dambe loo gudbiyay hay’adaha garsoorka.
Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada nin ku soo oogtay eedo la xiriira ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, iyadoo maxkamadda loo bandhigay warbixinno ku saabsan dagaallo la sheegay inay ka qeybgaleen, tababarradii ay qaateen iyo xilligii ay gudaha Soomaaliya soo galeen.
Sida lagu sheegay fadhiga maxkamadda, labada eedeysane ayaa lagu kala magacaabaa Xamse Ibraahim Cali (Abuu Irshaad) iyo Nasri Cabdiraxmaan Cali (Abuu Safiya). Waxaa la sheegay inay ku dhasheen magaalada Harar ee dalka Itoobiya, isla markaana ay si wanaagsan ugu hadlaan afka Soomaaliga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan