Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiRa’iisul Wasaare Xamsa ayaa qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyo kala duwan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Soomaaliya.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, nabadda iyo horumarka dalka.
- Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu safiirka cusub warbixin ka siiyey horumarka ay Soomaaliya ka gaartay amniga, dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoojinta dowladnimada, xaqiijinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
- Dhankiisa, safiirka cusub ee Midowga Yurub, László Eduárd Máthé, ayaa xaqiijiyey muhiimadda uu xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub u leeyahay labada dhinac, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqaynta lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin hindisayaasha gaarka ah ee la fulin doono natiijada kulankan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Goobjoog News) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, nabadda iyo horumarka dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu safiirka cusub warbixin ka siiyey horumarka ay Soomaaliya ka gaartay amniga, dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoojinta dowladnimada, xaqiijinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Dhankiisa, safiirka cusub ee Midowga Yurub, László Eduárd Máthé, ayaa xaqiijiyey muhiimadda uu xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub u leeyahay labada dhinac, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqaynta lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyo kala duwan.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
- Safiirka cusub ee Midowga Yurub, László Eduárd Máthé, ayaa xaqiijiyey muhiimadda uu xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub u leeyahay labada dhinac.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Midowga Yurub ama dhinacyada kale ee ku saabsan kulanka.
- Eedeymaha ku saabsan faahfaahinta iskaashiga iyo taageerada waxay ku saleysan yihiin bayaannada Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta lagu wada hadlay kulanka.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka wuxuu muujinayaa sii wadida xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin hindisayaasha gaarka ah ee la fulin doono natiijada kulankan?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga si wax ku ool ah?
- Maxay yihiin natiijooyinka la filayo ee ka dhasha xoojinta xiriirka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · yurub · qaabilsan · cusub
Sii akhri
- Maxay yihiin dhismayaasha cusub ee lagu soo kordhiyay Villa Somalia? + Sawirro
Caasimada Online
- Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Wakiillada Galmudug ?
Goobjoog Somali
- Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabis sameeyay
Puntland Post