Sacuudi Carabiya oo digniin ka soo saartay halis ku soo wajahan Makka iyo…
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo Talaado ah digniin degdeg ah ka soo saartay magaalooyinka Makka, Jeddah iyo Taif, iyadoo shacabka uga digtay “khatar suuragal ah” oo aan si rasmi ah loo shaacin nooca ay tahay.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay digniin degdeg ah oo ku saabsan halis suuragal ah oo ku wajahan magaalooyinka Makka, Jeddah, iyo Taif.
- Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa dadka ku talisay inay gudaha u raadsadaan hoy ammaan ah oo ay ka fogaadaan goobaha bannaan.
- Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay si weyn u kacsan tahay xaaladda amni ee gobolka, kadib markii xoogagga Xuutiyiinta Yemen ay maalmihii u dambeeyey kordhiyeen weerarrada gantaallada.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo Talaado ah digniin degdeg ah ka soo saartay magaalooyinka Makka, Jeddah iyo Taif, iyadoo shacabka uga digtay “khatar suuragal ah” oo aan si rasmi ah loo shaacin nooca ay tahay.
Digniinta ayaa loo diray dadka ku nool magaalooyinkan iyadoo loo marayo nidaamka qaran ee digniinta hore ee xaaladaha degdegga ah, sida ay sheegtay Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga.
Hay’addu waxay shacabka ugu baaqday inay isdejiyaan, isla markaana si degdeg ah ugu hoydaan meel ammaan ah, gaar ahaan gudaha dhismayaasha ama qolalka ka fog daaqadaha, ayna halkaas joogaan ilaa laga xaqiijinayo in khatartu dhammaatay.
Dadka ayaa sidoo kale lagula taliyey inay ka fogaadaan goobaha bannaan, balakoonnada, saqafyada dhismayaasha iyo meelaha ay dadku isugu yimaadaan. Dadka bannaanka ku sugan waxaa lagu amray inay galaan dhismaha ugu dhow ama ay isku qariyaan meel adag oo difaac leh.
Darawallada digniinta helay ayaa iyagana lagu boorriyey inay baabuurta joojiyaan meelo ka fog buundooyinka iyo dhismayaasha dhaadheer, halka shacabka guud ahaan laga codsaday inay macluumaadka iyo tilmaamaha amniga kala socdaan oo keliya ilo rasmi ah.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga markii hore ma aysan sheegin waxa sababay digniinta ama nooca khatarta laga cabsi qabay.
Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay si weyn u kacsan tahay xaaladda amni ee gobolka, kadib markii xoogagga Xuutiyiinta Yemen ay maalmihii u dambeeyey kordhiyeen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku qaadayaan magaalooyin iyo kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.
Sacuudiga ayaa dhankiisa duqeymo ka fuliyey goobo ay Xuutiyiintu kaga sugan yihiin Yemen, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda labada dhinac ay mar kale isu beddesho dagaal ballaaran.
Makka, oo ah magaalada ugu barakeysan Muslimiinta, ayaa ka mid ahayd goobaha digniinta laga soo saaray, taas oo sare u qaaday dareenka ku saabsan khatarta ka dhalan karta dagaalka sii xoogeysanaya ee gobolka.
The post Sacuudi Carabiya oo digniin ka soo saartay halis ku soo wajahan Makka iyo… appeared first on Caasimada Online .
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay digniin degdeg ah oo ku saabsan halis suuragal ah oo ku wajahan magaalooyinka Makka, Jeddah, iyo Taif, iyadoo dadka lagu talinayo inay gudaha raadsadaan hoy ammaan ah.
Qodobada muhiimka ah
- Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay digniin degdeg ah oo ku saabsan halis suuragal ah oo ku wajahan magaalooyinka Makka, Jeddah, iyo Taif.
- Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa dadka ku talisay inay gudaha u raadsadaan hoy ammaan ah oo ay ka fogaadaan goobaha bannaan.
- Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay si weyn u kacsan tahay xaaladda amni ee gobolka, kadib markii xoogagga Xuutiyiinta Yemen ay maalmihii u dambeeyey kordhiyeen weerarrada gantaallada.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma caddeynayo nooca khatarta la sheegay.
- Lama hayo jawaab ka timid mas'uuliyiinta Sacuudiga oo ku saabsan sababta digniinta.
- Khasaare ama dhacdooyin gaar ah oo la xiriira digniinta lama soo sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Dadka ku nool Makka, Jeddah, iyo Taif waxaa lagu talinayaa inay qaadaan taxaddar sababo la xiriira halis suuragal ah sida ay sheegtay dowladda Sacuudi Carabiya.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay nooca gaarka ah ee khatarta la sheegay?
- Waa maxay tallaabooyinka ay mas'uuliyiintu qaadayaan si ay uga jawaabaan digniintan?
- Sidee ayay dadka deegaanka uga falcelinayaan digniinta?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sacuudi · soo · carabiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada