Sawirro: R/W Xamza oo Galmudug uga qeyb-galay heshiis taariikhi ah oo wada gaareen…
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug, halkaas oo uu goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha Balanballe iyo Guriceel si loo soo afmeero colaadaha soo jireenka ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayXaflad balaaran oo ay kasoo qeyb-galeen bulshada labada degmo, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhallinyarada , goobjoogna ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Xamza, Madaxweynaha Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah ayay labada ugaas ee beelahan oo kala ah Ugaas Maxamed Ugaas Kayse iyo Ugaas Xasan Ugaas Xasan meel fagaaro ah ku saxiixeen heshiis 8 qodob ka kooban oo gebi ahaanba lagu soo afmeeray colaaddii jirtay.
- Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, kadib colaado sanado badan qaatay.
- “Gogoshan waxaa iiga muuqata in labada dhinac ay ka go’antahay in ay si dhab wh u heshiiyaan, Illaahayna wuxuu ballanqaaday in uu idin waafajinayo, haddii cid ku xad-gudubto heahiiskana waxaad ku heshiiseen in aad ku xallisaan Shareecada Islaamka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
- Waxa uu intaasi ku daray in sida heshiiska ku cad qofkii qof kale dillo in lagu fuliyo qisaas.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hirgeliyo heshiiska?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug.
- Heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel.
- Heshiiska 8 qodob ka kooban oo gebi ahaanba lagu soo afmeeray colaaddii jirtay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Balanballe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran, Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug, maamulka degmada Balanballe iyo qeybaha kala duwan ee deegaankan ku dhaqan.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, kadib colaado sanado badan qaatay.
Xaflad balaaran oo ay kasoo qeyb-galeen bulshada labada degmo, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhallinyarada , goobjoogna ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Xamza, Madaxweynaha Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah ayay labada ugaas ee beelahan oo kala ah Ugaas Maxamed Ugaas Kayse iyo Ugaas Xasan Ugaas Xasan meel fagaaro ah ku saxiixeen heshiis 8 qodob ka kooban oo gebi ahaanba lagu soo afmeeray colaaddii jirtay.
“Gogoshan waxaa iiga muuqata in labada dhinac ay ka go’antahay in ay si dhab wh u heshiiyaan, Illaahayna wuxuu ballanqaaday in uu idin waafajinayo, haddii cid ku xad-gudubto heahiiskana waxaad ku heshiiseen in aad ku xallisaan Shareecada Islaamka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Waxa uu intaasi ku daray in sida heshiiska ku cad qofkii qof kale dillo in lagu fuliyo qisaas.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii watay ayaa si weyn u bogaadiyay heshiiska la gaaray, kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid waafaqsan qorshaha xukuumadda ee Soomaali Heshiis ah, wuxuuna sheegay in heshiiskan uu horseedi doono nabad waarta, horumar dhaqaale iyo in shacabka si wanaagsan loo gaarsiiyo adeegyada dowladda maadaamaa ay colaaddii dhammaatay.
Mudane Xamza ayaa intii uu ku sugnaa degmada Balanballe waxa uu dhagax-dhigay iskuul ay dhigan doonaan carruurihii ku agoontoobay colaadihii beelaha dhex-maray, waxa kale oo uu Ra’iisul Wasaaraha dhagax-dhigay Aqalka Nabadda, iyo garoonka ciyaaraha Balanballe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu dhanka kale tababar usoo xirey cutub ka tirsan ciidanka Nabadda Sugidda kuwaas oo ku biiraya ciidanka amniga dalka .
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug, halkaas oo uu goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha Balanballe iyo Guriceel si loo soo afmeero colaadaha soo jireenka ah.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug.
- Heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel.
- Heshiiska 8 qodob ka kooban oo gebi ahaanba lagu soo afmeeray colaaddii jirtay.
- Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in heshiiska ku cad qofkii qof kale dillo in lagu fuliyo qisaas.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Lama helin jawaab ka timid dhinacyada aan ka qaybgalin heshiiska.
- Faahfaahinta ku saabsan waxa ku jira heshiiska si faahfaahsan looma sharxin.
Gunaanadka akhristaha
Saxiixa heshiiskan waa tallaabo muhiim ah oo lagu gaari karo nabad gobolka, laakiin hirgelintiisa weli waa in la arkaa.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hirgeliyo heshiiska?
- Sidee ayey bulshooyinka deegaanka u hubin doonaan in la raaco heshiiska?
- Maxay dowladda federaalku ka taageeri doontaa si loo fududeeyo nabadda gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · galmudug · xamza · taariikhi
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada