Topic
Warkasta is tracking xamza across 8 reports from 1 source. Recent coverage touches galmudug, security, and wada, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Ferhat Alkan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka taariikhiga ah ee lab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa Cabdulqaadir Cumar Macallin u magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Cabdulqaadir Cumar ayaa ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad, waxaana magacaabistiisa loo arkaa mid la xiriirta rabitaanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Jaamac oo hore u maamuli jiray Wasaaradda Dekedaha. Xi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ayaa ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday qaraxii Zoobe oo dhacay maanta oo kale 9 sano kahor, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 587 qof, halka boqolaal kale…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Wasaaradda Warshadaha iyo Macdanta Dowladda Liibiya, Mudane Mustafe Cali Al-Samu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka u yimid xoojinta iskaashiga dhinacyada warshadaha iyo wax-soo-saarka labada dal. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha lagu horumarin karo iskaashi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran, Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug, maamulka degmada Balanballe iyo qeybaha kala duwan ee deegaankan ku dhaqan. Ra’iisul

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Balanballe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Taliyaha Hay’adda Sirdoonk

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wada-hadallo ama heshiis toos ah la gashay kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in xiriir noocaas ah uusan hadda ka dhexeyn labada dhinac. Xamza, oo wareysi siiyey barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayaa sheegay in mowqifka dowladda…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay la hadasho xubnaha Al-Shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan kooxda iyo fikirkeeda. Wareysi uu siiyay Dawan TV ayuu Xamza ku sheegay in dowladda aysan diiddanayn in lala xiriiro ama lala hadlo xubnaha kooxda ee doonaya…