Somalia oo shaacisay xilliga ay rajeyneyso inay ku biirto WTO
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiSoomaaliya ayaa shaacisay inay hiigsaneyso inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) sannadka 2029, iyadoo hadda diyaarineysa dokumentiyada iyo sharciyada looga baahan yahay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayFursadaha xubinnimada Saadiq ayaa sheegay in ku biirista WTO ay ganacsatada Soomaaliyeed u abuuri karto fursado ay badeecadahooda ku gaarsiiyaan suuqyada caalamka, isla markaana ay gacan ka geysan karto soo jiidashada maalgashiga shisheeye.
- Madaxa Wadaxaajoodka Ganacsiga Soomaaliya, Saadiq Xaaji Ibraahin, ayaa sheegay in dowladdu ay rajeyneyso inay labada ilaa saddexda sano ee soo socota ku dhammaystirto waajibaadka ka harsan hannaanka xubinnimada.
- “Waxaan rajeyneynaa inaan dhammaystirno ku biiritaankeenna ilaa 2029-ka.
- Hadalkan ayaa kusoo aadaya kaddib markii wafdi ka socday WTO iyo Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (ITC) ay booqasho shaqo ku yimaadeen Muqdisho intii u dhexeysay 10-kii iyo 15-kii October.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay dokumentiyada iyo sharciyada gaarka ah ee la diyaarinayo si loogu biirto WTO?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya waxay hiigsaneyso inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) sannadka 2029.
- Saadiq Xaaji Ibraahin ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarineyso dokumentiyada iyo sharciyada looga baahan yahay dalalka doonaya xubinnimada ururka.
- Kulankii ugu horreeyay ee kooxda shaqada ee qaabilsan codsigeeda xubinnimada ayaa qabsoomay bishii February 2025.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hiigsaneyso inay sannadka 2029 ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), iyadoo hadda diyaarineysa dokumentiyada, sharciyada iyo wadaxaajoodyada looga baahan yahay dalalka doonaya xubinnimada ururka.
Madaxa Wadaxaajoodka Ganacsiga Soomaaliya, Saadiq Xaaji Ibraahin, ayaa sheegay in dowladdu ay rajeyneyso inay labada ilaa saddexda sano ee soo socota ku dhammaystirto waajibaadka ka harsan hannaanka xubinnimada.
“Waxaan rajeyneynaa inaan dhammaystirno ku biiritaankeenna ilaa 2029-ka. Waa yool adag, laakiin dadaallada dowladda iyo saraakiisha socda awgood, waxaan rajeyneynaa inaan ku dhammaystirno waajibaadka naga harsan labada ilaa saddexda sano ee soo socota,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC Somali.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya kaddib markii wafdi ka socday WTO iyo Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (ITC) ay booqasho shaqo ku yimaadeen Muqdisho intii u dhexeysay 10-kii iyo 15-kii October.
Booqashada ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta dokumentiyada iyo shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya, iyadoo khubaro caalami ah ay kulamo toos ah la yeesheen saraakiisha dowladda si ay u qiimeeyaan hannaanka iyo sharciyada ganacsiga dalka.
Saadiq ayaa booqashada ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xubinnimada WTO.
Soomaaliya ayaa muddo sannado ah waday qorshahan. Kulankii ugu horreeyay ee kooxda shaqada ee qaabilsan codsigeeda xubinnimada ayaa qabsoomay bishii February 2025, halka kulanka labaad la qorsheynayo inuu dhaco sannadka 2027.
Fursadaha xubinnimada
Saadiq ayaa sheegay in ku biirista WTO ay ganacsatada Soomaaliyeed u abuuri karto fursado ay badeecadahooda ku gaarsiiyaan suuqyada caalamka, isla markaana ay gacan ka geysan karto soo jiidashada maalgashiga shisheeye.
“Markii aan xubin ka noqonno, waxay ganacsatadeenna u fududeyneysaa inay waxyaabaha ay soo saaraan gaarsiiyaan suuqyada caalamiga ah,” ayuu yiri.
WTO ayaa hadda ka kooban 166 dal, kuwaas oo wadajir u matala ku dhowaad 98% ganacsiga caalamka.
Saadiq ayaa intaas ku daray in Soomaaliya oo yeelata sharciyo iyo nidaamyo ganacsi oo waafaqsan heerarka caalamiga ah ay dhiirrigelin karto shirkadaha shisheeye ee doonaya inay dalka maalgashadaan, taas oo abuuri karta fursado shaqo.
Hase yeeshee, xubinnimada WTO keligeed ma dammaanad qaadayso in badeecadaha Soomaaliyeed ay si toos ah u geli doonaan dhammaan suuqyada caalamka. Waxaa weli jiri doona shuruudo la xiriira tayada, badqabka badeecadaha, shahaadooyinka iyo heshiisyada ganacsi ee dalalka kala duwan.
Caqabadda wax-soo-saarka
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan badeecadaha dibadda laga soo dejiyo, halka wax-soo-saarka gudaha iyo warshadeyntu ay weli kooban yihiin.
Mar la weydiiyay sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto xubinnimada WTO iyadoo aan lahayn warshado waaweyn iyo wax-soo-saar ballaaran oo dibadda loo dhoofiyo, Saadiq ayaa sheegay in hannaanka xubinnimadu uu gacan ka geysan karo kobcinta awoodda wax-soo-saarka dalka.
Waxa uu tusaale u soo qaatay xoolaha nool ee Soomaaliya dhoofiso, kuwaas oo mararka qaar caqabado kala kulma shuruudaha caafimaadka, tayada iyo shahaadooyinka looga baahan yahay suuqyada dibadda.
Dowladda ayaa dooneysa in la horumariyo nidaamyada lagu hubiyo tayada badeecadaha, si Soomaaliya ay mustaqbalka gudaha ugu farsameyso wax-soo-saarkeeda, uguna dhoofiso suuqyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka iyo Shiinaha.
“Intii aan xoolaha nool oo keliya dhoofin lahayn, waxaan dooneynaa inaan Soomaaliya gudaheeda ku farsameyno, ku baakadeyno, shahaadooyin tayana ka bixinno, si badeecadaheenna ay u gaaraan suuqyada waaweyn ee caalamka,” ayuu yiri Saadiq.
Waxa uu sheegay in maalgashiga warshadaha yaryar iyo xoojinta hay’adaha ganacsiga ay muhiim u yihiin qorshaha lagu kordhinayo wax-soo-saarka iyo dhoofinta dalka.
Wada-xaajoodyada socda
Wadaxaajoodyada xubinnimada WTO ayaa ah hannaan qaadan kara sannado. Dalka codsanaya xubinnimada waxaa laga doonayaa inuu dib u eego sharciyadiisa ganacsi, diyaariyo heshiisyada loo baahan yahay, isla markaana wadaxaajood la galo dalalka xubnaha ka ah ururka.
Soomaaliya ayaa hadda diyaarineysa jawaabaha su’aalihii ay xubnaha WTO ka keeneen nidaamka ganacsiga dalka iyo dukumentiyada saldhigga u noqonaya wejiga xiga ee wadaxaajoodyada.
Waxaa sidoo kale socda diyaarinta soo-jeedimaha hordhaca ah ee ku saabsan furitaanka suuqyada Soomaaliya ee badeecadaha iyo adeegyada, kuwaas oo qayb ka ah qodobbada laga wadaxaajoodo inta uu socdo hannaanka xubinnimada.
Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah ayaa Soomaaliya ka caawineysa dhinacyada farsamada. ITC waa hay’ad ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo WTO, waxayna taageertaa horumarinta ganacsiga dalalka soo koraya, gaar ahaan ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.
Taageerada Soomaaliya la siinayo ayaa qayb ka ah barnaamijka “Making Trade Happen”, oo ay maalgeliso dowladda Ingiriiska.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dooneysa inay isku dubbariddo waajibaadka ka saaran xubinnimadeeda Bulshada Bariga Afrika (EAC), heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) iyo qorshaha ay ugu biireyso WTO.
Isku dubbaridkan ayaa looga gol leeyahay in sharciyada iyo siyaasadaha ganacsiga Soomaaliya la waafajiyo heshiisyada kala duwan ee uu dalku qaybta ka yahay, lagana fogaado isburin ka dhex dhalata waajibaadkaas.
Booqashadii wafdiga WTO iyo ITC ee Muqdisho waxaa sidoo kale looga hadlay hindisaha “Trade for Peace Somalia Initiative”, oo lagu doonayo in ganacsiga iyo maalgashiga looga faa’iideysto nabad-dhisidda Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa shaacisay inay hiigsaneyso inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) sannadka 2029, iyadoo hadda diyaarineysa dokumentiyada iyo sharciyada looga baahan yahay.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya waxay hiigsaneyso inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) sannadka 2029.
- Saadiq Xaaji Ibraahin ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarineyso dokumentiyada iyo sharciyada looga baahan yahay dalalka doonaya xubinnimada ururka.
- Kulankii ugu horreeyay ee kooxda shaqada ee qaabilsan codsigeeda xubinnimada ayaa qabsoomay bishii February 2025.
- Saadiq ayaa sheegay in ku biirista WTO ay ganacsatada Soomaaliyeed u abuuri karto fursado ay badeecadahooda ku gaarsiiyaan suuqyada caalamka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saadiq Xaaji Ibraahin.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo lagu bixiyay eedeymaha ku jira maqaalka.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada kale ama dhaliilayaasha.
Gunaanadka akhristaha
Soomaaliya waxay si firfircoon u shaqeyneysaa si ay ugu biirto WTO sannadka 2029, taasoo saameyn ku yeelan karta fursadaha ganacsi.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay dokumentiyada iyo sharciyada gaarka ah ee la diyaarinayo si loogu biirto WTO?
- Soomaaliya sidee bay u xallin doontaa caqabadaha la xiriira buuxinta heerarka ganacsi ee caalamiga ah?
- Waa maxay saameynta suurtagalka ah ee xubinnimada WTO ku yeelan karto warshadaha gudaha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · biirto · wto · rajeyneyso
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada