Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Radio Dalsangeneral

Soomaaliya oo ansixisay qorshe $232 milyan oo lagu xallinayo biyaha

Soomaaliya oo ansixisay qorshe biyaha $232 milyan Muqdisho, 01 June 2026 – Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), iyadoo taageereysa Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa maanta si guul leh ugu qabtay magaalada Muqdisho Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka iyo Barnaamijka Maalgashiga B

SO
Soomaaliya oo ansixisay qorshe $232 milyan oo lagu xallinayo biyaha
Sawir / xog muuqaal ah · Radio Dalsan
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Radio Dalsan

Soomaaliya oo ansixisay qorshe biyaha $232 milyan

Muqdisho, 01 June 2026 – Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), iyadoo taageereysa Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa maanta si guul leh ugu qabtay magaalada Muqdisho Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (WIP) 2026–2030, kaas oo lagu qiyaasay USD 232 milyan.

Shirkani wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, iyadoo abaaraha soo noqnoqda iyo fatahaadaha daadadka ay burburiyaan kaabayaasha biyaha. Ansixinta qorshahan waxay u ogolaanaysaa dowladda in ay hirgeliso mashaariic dhab ah oo lagu xoojinayo adkaysiga biyaha lix magaalo oo nugul ah.

“Ansixinta mashruuca kaydinta biyaha roobka iyo barnaamijka maalgashiga biyaha waxay caddayn u tahay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan MoEWR oo ka hadlay shirka. “Waxaan maalgelineynaa mustaqbalka dadkeenna iyo deegaankeenna.”

Isha: Radio Dalsan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Radio Dalsan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralqorshemilyanansixisay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.