Soomaaliya oo noqotay dalka keliya ee diiday qaraar QM kasoo saartay…
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee cod diidmo ah ka dhiibtay qaraar uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo saaray ka hortagga iyo ciribtirka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinFaransiiska iyo Boqortooyada Midowday ee UK oo soo diyaariyey qaraarka ayaa ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay qaadaan tallaabooyin dhammaystiran oo lagu joojinayo tacaddiyada nooc kasta ah ee ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha oo ay ku jiraan handadaad, weerarro iyo tacaddiyada ka dhaca internet-ka.
- Go’aan la gaarayCodbixinta oo Talaadadii ka dhacday guddiga khuseeya ee Qaramada Midoobay ayaa lagu ansixiyay qaraarka, oo ay taageereen 175 dal.
- Arrimaha uu qaraarku xoogga saarayo waxaa sidoo kale ka mid ah ilaalinta haweenka iyo gabdhaha ay bartilmaameedsadaan aflagaaddada, sumcad-dilka iyo hadallada nacaybka ah ee lagu faafiyo baraha bulshada iyo aaladaha kale ee dhijitaalka ah, iyadoo dalalka lagu boorriyay inay sameeyaan sharciyo iyo siyaasado wax looga qabanayo.
- Faransiiska oo qaraarka soo bandhigay ayaa sheegay inay muhiim tahay in si gaar ah loo tixgeliyo tacaddiyada ka dhaca internet-ka, isagoo xusay in in ka badan kala bar haweenka ku nool qaar ka mid ah gobollada dunida ay la kulmeen tacaddiyo dhijitaal ah.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa booska gaarka ah ee Soomaaliya codbixinta QM, taasoo saameyn ku yeelan karta xiriirka diblomaasiyadeed iyo mowqifkeeda arrimaha xuquuqda haweenka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay Soomaaliya ku sababeen codkooda diidmada ah ee qaraarka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Codbixinta oo Talaadadii ka dhacday guddiga khuseeya ee Qaramada Midoobay ayaa lagu ansixiyay qaraarka, oo ay taageereen 175 dal.
- Faransiiska iyo Boqortooyada Midowday ee UK oo soo diyaariyey qaraarka ayaa ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay qaadaan tallaabooyin dhammaystiran oo lagu joojinayo tacaddiyada nooc kasta ah ee ka dhanka ah haweenka iyo
- Mareykanka ayaa dhankiisa sharaxay sababta uu uga gaabsaday taageeridda qaraarka, isagoo sheegay inuu walaac ka qabo adeegsiga ereyada la xiriira caafimaadka galmada iyo taranka iyo ilmo iska soo rididda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
New York (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee cod diidmo ah ka dhiibtay qaraar uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo saaray ka hortagga iyo ciribtirka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha.
Codbixinta oo Talaadadii ka dhacday guddiga khuseeya ee Qaramada Midoobay ayaa lagu ansixiyay qaraarka, oo ay taageereen 175 dal. Soomaaliya ayaa ka hortimid, halka lix dal oo kala ah Argentina, Burkina Faso, Belarus, Cameroon, Mareykanka iyo Ruushka ay ka aamuseen codbixinta.
Faransiiska iyo Boqortooyada Midowday ee UK oo soo diyaariyey qaraarka ayaa ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay qaadaan tallaabooyin dhammaystiran oo lagu joojinayo tacaddiyada nooc kasta ah ee ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha oo ay ku jiraan handadaad, weerarro iyo tacaddiyada ka dhaca internet-ka.
Arrimaha uu qaraarku xoogga saarayo waxaa sidoo kale ka mid ah ilaalinta haweenka iyo gabdhaha ay bartilmaameedsadaan aflagaaddada, sumcad-dilka iyo hadallada nacaybka ah ee lagu faafiyo baraha bulshada iyo aaladaha kale ee dhijitaalka ah, iyadoo dalalka lagu boorriyay inay sameeyaan sharciyo iyo siyaasado wax looga qabanayo.
Faransiiska oo qaraarka soo bandhigay ayaa sheegay inay muhiim tahay in si gaar ah loo tixgeliyo tacaddiyada ka dhaca internet-ka, isagoo xusay in in ka badan kala bar haweenka ku nool qaar ka mid ah gobollada dunida ay la kulmeen tacaddiyo dhijitaal ah.
Xog uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay bishii August ayaa muujisay in ku dhowaad 50,000 oo haween iyo gabdho ah lagu dilay sannadkii 2024-kii gacanta lammaanahooda ama xubno kale oo ka tirsan qoysaskooda.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in tiknoolajiyaddu ay tacaddiyada ku baahisay internet-ka, halka daba-galka dhijitaalka ah, basaasidda iyo handadaaddu ay mararka qaar gogol-xaar u noqdaan tacaddiyo jireed oo halis ah.
Codbixinta ka hor waxaa qaraarka ka dhashay dood dheer, iyadoo dalal kala duwan ay ka horyimaadeen ereyo la xiriira caafimaadka galmada iyo taranka iyo arrimaha ilmo iska soo rididda ee ku jiray qaraarka. Waxaa sidoo kale la isku khilaafay wax-ka-beddel lagu doonayay in qaraarka lagu xiro mabda’a madax-bannaanida dalalka, balse soo jeedintaas waa la diiday.
Qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa horay uga digay in wax-ka-beddelkaasi uu wiiqi karo nidaamka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Mareykanka ayaa dhankiisa sharaxay sababta uu uga gaabsaday taageeridda qaraarka, isagoo sheegay inuu walaac ka qabo adeegsiga ereyada la xiriira caafimaadka galmada iyo taranka iyo ilmo iska soo rididda, isla markaana ku dooday inuusan jirin xuquuq caalami ah oo si gaar ah u aqoonsanaysa ilmo iska soo rididda.
Si kastaba, Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in dilalka haweenka ee la xiriira jinsigooda ay yihiin dhibaato caalami ah oo u baahan in wax laga qabto.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee cod diidmo ah ka dhiibtay qaraar uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo saaray ka hortagga iyo ciribtirka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Codbixinta ayaa lagu ansixiyay qaraarka oo ay taageereen 175 dal.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee cod diidmo ah ka dhiibtay qaraar uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo saaray ka hortagga iyo ciribtirka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha.
- Codbixinta oo Talaadadii ka dhacday guddiga khuseeya ee Qaramada Midoobay ayaa lagu ansixiyay qaraarka, oo ay taageereen 175 dal.
- Faransiiska iyo Boqortooyada Midowday ee UK oo soo diyaariyey qaraarka ayaa ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay qaadaan tallaabooyin dhammaystiran oo lagu joojinayo tacaddiyada nooc kasta ah ee ka dhanka ah haweenka iyo
- Mareykanka ayaa dhankiisa sharaxay sababta uu uga gaabsaday taageeridda qaraarka, isagoo sheegay inuu walaac ka qabo adeegsiga ereyada la xiriira caafimaadka galmada iyo taranka iyo ilmo iska soo rididda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dalalka ka aamusay ama diiday qaraarka.
- Eedeymaha ku saabsan tirada dalalka taageeray qaraarka ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid QM iyo dalal kala duwan iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Diidmada Soomaaliya ee qaraarka QM ee ku saabsan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha ayaa ka dhigaysa inay ka duwan tahay inta badan bulshada caalamka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay Soomaaliya ku sababeen codkooda diidmada ah ee qaraarka?
- Sidee ayey go'aankan u saameyn doonaa xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya?
- Maxay QM ka qaban doontaa ka dib codbixintan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa booska gaarka ah ee Soomaaliya codbixinta QM, taasoo saameyn ku yeelan karta xiriirka diblomaasiyadeed iyo mowqifkeeda arrimaha xuquuqda haweenka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · noqotay · qaraar · dalka