Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen weerar fulaynimo ah oo ay soo qaadeen kooxaha Khawaarijta, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo. Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo iyo feejignaan leh ug
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen weerar fulaynimo ah oo ay soo qaadeen kooxaha Khawaarijta, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.
Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo iyo feejignaan leh uga hortagay weerarkaasi, iyagoo gaarsiiyay cadowga khasaaro xoogan oo isugu jira naf iyo maal. Khawaarijta ayaa lagu kala eryay gudaha iyo daafaha magaalada, iyagoo u firxaday si fulaynimo ah, halka ay ciidamada amniga weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray cadowga.
Taliska Ciidanka XDS waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonaa faahfaahinta iyo natiijooyinka rasmiga ah ee howlgalka marka la soo gabagabeeyo tirakoobka iyo xaqiijinta xogaha la xiriira khasaaraha cadowga.
Ugu dambayn, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa geesiyaasha Ciidanka Qaranka ee habeen iyo maalin u taagan difaaca qaranimada, amniga, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan