Taxanaha fashilaadda shirarka Nayroobi ka dhaca
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu ka hadlayaa fashilka shirarka siyaasadeed ee ka dhaca Nayroobi oo la xiriira beesha Daarood, isagoo iftiiminaya dhacdooyin taariikhi ah iyo saamayntooda siyaasadda Soomaalida.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Boosaaso (Faallo) — Nayroobi waa caasimad ay daadsan yihiin qalfoof badan kaddib markii mashaariic siyaasadeed oo “Daarood” lagu suntay ay burbureen.
- Nayroobi waa magaaladii uu Cabdullaahi Yuusuf kaga dhawaaqay colaad hubeysan oo jabhadeed oo ka dhan ah Maxamed Siyaad Barre iyo beesha Mareexaan oo uu markaas ku tilmaamay beel laga tiro-badan yahay.
- Sanadkii 1991kii, rag dowladdii kacaanka ka mid ahaa, oo Nayroobi u soo qaxay, ayaa isku dayay inay magaca Daarood ku awr-kacsadaan.
- “Dadkii nabadda diiday hadda nabad way qaadan lahaayeen” ayuu Cabdirisaaq u sheegay Laanta af Soomaaliga ee BBC.
Sida ay sheegtay Puntland Post
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin shirarka siyaasadeed ee gaarka ah ee hadda qorsheysan ama fashilmay ee ka dhaca Nayroobi?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
Maqaalku wuxuu ka hadlayaa fashilka shirarka siyaasadeed ee ka dhaca Nayroobi oo la xiriira beesha Daarood, isagoo iftiiminaya dhacdooyin taariikhi ah iyo saamayntooda siyaasadda Soomaalida.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Odayaasha Nayroobi ku shiraya way og yihiin in Boqor Burhaan oo keliya uu, wadatashi dheer kaddib, ku dhawaaqi karo shir dhaqameed u gaar ah Daarood.
Boosaaso (Faallo) — Nayroobi waa caasimad ay daadsan yihiin qalfoof badan kaddib markii mashaariic siyaasadeed oo “Daarood” lagu suntay ay burbureen. Markaan maqlay “shir Daarood ayaa ka socda Nayroobi”, waxaan soo xusuustay guuldarrooyin billowday 1978kii.
Nayroobi waa magaaladii uu Cabdullaahi Yuusuf kaga dhawaaqay colaad hubeysan oo jabhadeed oo ka dhan ah Maxamed Siyaad Barre iyo beesha Mareexaan oo uu markaas ku tilmaamay beel laga tiro-badan yahay. Maalintaas kaddib waxaa billowday fashilkii jabhaddii uu Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayay .
Sanadkii 1991kii, rag dowladdii kacaanka ka mid ahaa, oo Nayroobi u soo qaxay, ayaa isku dayay inay magaca Daarood ku awr-kacsadaan. Waxay doonayeen in maato iyo rayid aan jabhado ahayn, oo ka soo qaxay Muqdisho, ay la dagaallamaan ciidammadii ururkii USC.
Heestii “Daarood midoobay Allahayow” ayaa maalmahaas la qaadayay. Kooxdaas Nayroobi iyo xeridii Utange bustayaashooda dhigtay waxay fashilmeen markii, dhammaadkii Maajo 1991kii, uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wareysi siiyay Laanta af Soomaaliga ee BBC.
Cabdirisaaq wuxuu Kismaayo u yimid nabadeyn ujeeddadeedu ahayd in la taageero Dowladdii ku-meel-gaarka ahayd oo uu Cali Mahdi Maxamed hoggaaminayay. Dadkii hoggaaminayay ururkii Kismaayo lagu aasaasay oo loo yiqiin SNG, ayaa ka hor yimid nabadeyntaas.
Cabdirisaaq wuxuu ka mid ahaa dadkii u qaxay Libooyo, kaddibna Nayroobi.
“Dadkii nabadda diiday hadda nabad way qaadan lahaayeen” ayuu Cabdirisaaq u sheegay Laanta af Soomaaliga ee BBC. Hadalkaasi wuxuu dib-u-habayn ku sameeyay siyaasadda beesha Daarood 1990kii kaddib.
Waxay siyaasadda gacanta u gashay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Abshir Muuse, oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd. Labada hoggaamiye waxay aamminsanaayeen in Maxamed Siyaad Barre aan la siinin fursad uu hayb Daarood dadka ugu beerlaxowsado kaddibna uu colaad raagta Soomaalida kala dhex dhigo.
Ururkii SNF waxaa beddelay ururkii SPM (Somali Patriotic Movement) oo uu aasaasay Axmed Cumar Jees. Saamaynta kale oo ay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Abshir ku yeesheen siyaasadda Daarood waa: waxay dadka bareen in taladu ka go’do dadka Soomaaliya jooga; in dad Nayroobi u soo qaxay oo taliskii kacaanka ka tirsanaa aysan u adeegsan karin haybta beesha Daarood siyaasad ahaan.
Fashilka saddexaad waa ururkii Sool, Sanaag & Cayn (SSC) 2009kii oo Nayroobi lagu aasaasay markii dambese ku dambeeyay Hargeysa kaddib markii uu Xaglatoosiye halkaas iska dhiibay.
Barnaamijkii Waano iyo Warcelin qeybtiisii Baafinta, oo Raadiyo Muqdisho ka bixi jiray ka hor 1991kii, waxay dad badani ku xusuustaan dad la baafin jiray oo sanado badan ka hor la sheegay inay Nayroobi joogeen.
Nayroobi waa magaalo dadka iyo mashaariicda siyaasadeed ee Soomaalida liqda. Eeg sida Soomaalidu ay Nayroobi u maalgelinayaan, ugu soo qaxayaan ama u soo degayaan iyagoo dayacaya dalkooda hooyo ee Soomaaliya. Nayroobi waa magaalada ay ku yaalliin goobaha cilaajka ugu badan oo Soomaalida loogu talaggalay.
Aragtidan waxay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan .
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa fashilka shirarka siyaasadeed ee ka dhaca Nayroobi oo la xiriira beesha Daarood, isagoo iftiiminaya dhacdooyin taariikhi ah iyo saamayntooda siyaasadda Soomaalida.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay macnaha taariikheed iyada oo aan la xaqiijin xaaladaha hadda.
Gunaanadka akhristaha
Maqaalku wuxuu muujinayaa fashilka taariikheed ee dadaallada siyaasadeed ee Nayroobi la xiriira beesha Daarood, isagoo iftiiminaya caqabadaha sii socda ee siyaasadda Soomaalida.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin shirarka siyaasadeed ee gaarka ah ee hadda qorsheysan ama fashilmay ee ka dhaca Nayroobi?
- Sidee ayey fashilada taariikheed u saameynayaan isbeddelada siyaasadeed ee hadda ka dhex jira beesha Daarood?
- Maxay yihiin aragtida beelaha kale ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee Nayroobi?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · nayroobi · shirarka · fashilaadda