Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay weerarrada Xuutiyiinta ee Maka iyo Madiina
Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareysay weerarro ay sheegtay in kooxda Xuutiyiinta ay ku qaaday magaalada barakeysan ee Maka iyo gobolka Madiina, iyo sidoo kale waxa ay ku tilmaantay weerarrada sii socda ee ka dhanka ah Boqortooyada Sacuudi…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- OIC ayaa sheegtay in weerarradaasi ay cabsi ku abuureen shacabka rayidka ah, isla markaana ay xadgudub ku yihiin xurmada goobaha barakeysan.
- Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in falalka ay ku tilmaantay kuwo ay geysteen Xuutiyiintu oo lagu beegsaday goobaha barakeysan, masaajidda iyo kaabayaasha rayidka ay yihiin falal argagixisanimo oo ka hor imanaya qiyamka Islaamka iyo xeerarka
- OIC waxay sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna taageersan tahay tallaabooyinka ay Riyadh qaaddo si ay uga hortagto weerarrada.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareysay weerarro ay sheegtay in kooxda Xuutiyiinta ay ku qaaday magaalada barakeysan ee Maka iyo gobolka Madiina, iyo sidoo kale waxa ay ku tilmaantay weerarrada sii socda ee ka dhanka ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
OIC ayaa sheegtay in weerarradaasi ay cabsi ku abuureen shacabka rayidka ah, isla markaana ay xadgudub ku yihiin xurmada goobaha barakeysan iyo masaajidda, taas oo ay tilmaantay inay dhaawacayso dareenka Muslimiinta dunida.
Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in falalka ay ku tilmaantay kuwo ay geysteen Xuutiyiintu oo lagu beegsaday goobaha barakeysan, masaajidda iyo kaabayaasha rayidka ay yihiin falal argagixisanimo oo ka hor imanaya qiyamka Islaamka iyo xeerarka, mabaadi’da iyo shuruucda caalamiga ah.
Xoghaynta Guud ee OIC waxay carrabka ku adkaysay in xadgudub kasta oo lagu sameeyo xurmada goobaha barakeysan uu yahay arrin aan la aqbali karin, iyadoo ku baaqday in laga hortago cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato goobahaas.
Dhanka kale, OIC waxay sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna taageersan tahay tallaabooyinka ay Riyadh qaaddo si ay uga hortagto weerarrada, u ilaaliso xurmada goobaha barakeysan iyo nolosha Muslimiinta, isla markaana ay u difaacdo amniga iyo madaxbannaanida dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay weerarrada ay Xuutiyiintu ku qaadeen magaalada barakeysan ee Maka iyo gobolka Madiina.
Qodobada muhiimka ah
- Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay weerarrada ay Xuutiyiintu ku qaadeen magaalada barakeysan ee Maka iyo gobolka Madiina.
- OIC ayaa sheegtay in weerarradaasi ay cabsi ku abuureen shacabka rayidka ah, isla markaana ay xadgudub ku yihiin xurmada goobaha barakeysan.
- Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in falalka ay ku tilmaantay kuwo ay geysteen Xuutiyiintu oo lagu beegsaday goobaha barakeysan, masaajidda iyo kaabayaasha rayidka ay yihiin falal argagixisanimo oo ka hor imanaya qiyamka Islaamka iyo xeerarka
- OIC waxay sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna taageersan tahay tallaabooyinka ay Riyadh qaaddo si ay uga hortagto weerarrada.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay kaliya bayaannada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan weerarrada ama saameyntooda.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Xuutiyiinta ama dhinacyada kale.
Gunaanadka akhristaha
OIC ayaa si cad u cambaareysay weerarrada Xuutiyiinta ee Maka iyo Madiina, iyadoo muujinaysa baahida loo qabo in la ilaaliyo goobaha barakeysan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee sababay cambaarada OIC?
- Ma jiraan warbixinno madax-bannaan oo xaqiijinaya weerarrada?
- Maxay yihiin tallaabooyinka ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya qaadi doonto si ay uga jawaabto weerarradan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · iskaashiga · weerarrada · xuutiyiinta