Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee ka soo dhex muuqday kooxda Arsenal.?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaalik Hashi, oo ah ciyaaryahan khadka dhexe oo 18 jir ah, ayaa markii ugu horreysay lagu daray liiska kooxda koowaad ee Arsenal intii lagu jiray ciyaar Champions League ah oo ay la ciyaareen Lille.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayWiilkan dhallinta yar ayaa si joogto ah uga soo dallacay heerarka kala duwan ee akadeemiyada kooxda, wuxuuna saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed bishii Febraayo 2026.
- Maalik Hashi, oo ku dhashay magaalada London taariikhdu markay ahayd 3 Sebtembar 2008, ayaa ku biiray Arsenal isagoo 14 jir ah bishii Disembar 2022.
- Go’aan la gaarayMarkii uu heshiiska saxiixay, Hashi wuxuu yiri: “Aad baan u faraxsanahay, waa waqti sharaf u ah aniga iyo qoyskaygaba.
- “Qoyskayguna way ila socdaan, waxayna maalin kasta iga caawiyaan inaan sii horumaro”.
Sida ay sheegtay Hiiraanweyn
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa koritaanka ciyaaryahan Soomaaliyeed oo da'yar ah oo ku jira koox kubadda cagta caan ah, taasoo dhiirigelin u noqon karta ciyaartoyda kale ee da'da yar.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhalan kara ku darista Hashi kooxda koowaad ee mustaqbalkiisa ciyaaraha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Maalik Hashi waa ciyaaryahan khadka dhexe oo 18 jir ah oo markii ugu horreysay lagu daray liiska kooxda koowaad ee Arsenal.
- Maalik Hashi wuxuu ku dhashay magaalada London taariikhdu markay ahayd 3 Sebtembar 2008.
- Hashi waxa uu dhaliyay lix gool 34 kulan oo uu u saftay U18.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Haddii aad daawanaysay cayaartii Champions league ee ay fiidnimadii Talaadada Arsenal garoonkeeda Emirates kula yeelatay kooxda Lille, Maalik Hashi wuxuu ka mid ahaa cayaartoyda fadhiday kursiga keydka ee kooxda Arsenal.
Waa markii ugu horreysay oo ciyaaryahanka khadka dhexe ee 18 jirka ah lagu daro liiska kooxda koowaad ee Arsenal.
Maalik Hashi, oo ku dhashay magaalada London taariikhdu markay ahayd 3 Sebtembar 2008, ayaa ku biiray Arsenal isagoo 14 jir ah bishii Disembar 2022.
Wiilkan dhallinta yar ayaa si joogto ah uga soo dallacay heerarka kala duwan ee akadeemiyada kooxda, wuxuuna saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed bishii Febraayo 2026.
Markii uu heshiiska saxiixay, Hashi wuxuu yiri: “Aad baan u faraxsanahay, waa waqti sharaf u ah aniga iyo qoyskaygaba. Safarkan aniga keligay kuma ihi”.
“Qoyskayguna way ila socdaan, waxayna maalin kasta iga caawiyaan inaan sii horumaro”.
“Waxaan ku bilaabay, laga yaabee, beerta guriga anigoo aabbahay la jooga, oo halkaa kubadda ku cayaarna, ka dibna waxaan helay fursad aan ku galo Arsenal”.
“Intaas ka dib, laba sano ayaan ku qaatay kooxda da’doodu ka yar tahay 16-ka sano (U16), ka dibna waxaan helay deeq waxbarasho iyo mid ciyaareed, haddana halkan ayaan joognaa” ayuu yiri.
Hashi wuxuu ka mid ahaa kooxda Arsenal ee ku guuleysatay Koobka Premier League-ga ee da’doodu ka yar tahay 16-ka sano (U16) xilli ciyaareedkii 2024/25, ka hor inta uusan boos ka helin kooxda da’doodu ka yar tahay 18-ka sano (U18).
Wuxuu horeyba uga soo ciyaaray dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 21-ka sano (U21) xilli uu weli dugsiga dhiganayay, wuxuuna sii waday inuu ka dhex muuqdo heer ka sarreeya da’diisa.
Booskee ayuu ka ciyaaraa Maalik Xaashi?
Xaashi waxa uu inta badan ka ciyaaraa khadka dhexe. Wuxuu kaloo ka cayaari karaa difaac weerar gali kara haddii loo baahdo.
Khabiirka akadeemiyada Arsenal Jeorge Bird ayaa sheegay inuu cajiib ku yahay “khadka dhexe uuna leeyahay xirfad sare iyo karti xagga baasaska ah”.
Xaashi waxa uu dhaliyay lix gool 34 kulan oo uu u saftay U18, halka uu sidoo kale ka soo muuqday 19-jirada iyo 21 jirada.
Soo bandhigiddiisa kubbadda cagta ee heerka sare ayaa sidoo kale bilaabatay goor hore.
Xaashi waxa uu la tababartay kooxdii kowaad ee Arsenal isagoo 15 jir ah oo iskool dhigta Agoosto 2024, tan iyo markaas waxa uu ku lug lahaa kulamo sare oo dheeraad ah.
Waxa uu si gaar ah u tilmaamay Declan Rice sida dhiirigelinta ee uu kalsoonida u siiyo, isagoo leh: “Dabeecaddiisa, mar kasta oo uu soo galo, had iyo jeer waa dhoola cadeynayaa isagoo tababar diyaar u ah.
“Waxaan u maleynayaa inuu dhiirigelin weyn u yahay dhalinyaro badan oo kale” ayuu sii raaciyey.
Lambarkee ayuu u xirtaa Kooxda Arsenal
Hashi wuxuu u xirtaa kooxda Arsenal lambarka 74-aad tartamada heerka Yurub.
Ciyaaryahankan khadka dhexe ayaa horey u soo maray waayo-aragnimo kubadda cagta Yurub ah isagoo ka tirsan dhalinyarada, wuxuuna ku bilaabay safka kooxda Arsenal ee da’doodu ka yar tahay 19-ka sano (U19) ee garoonka galaya kulankii furitaanka UEFA Youth League ee ay la ciyaareen Napoli 9-kii Sebtembar.
Hashi wuxuu ciyaaray 77 daqiiqo kulankaasna waxay ku badiyeen 2-1, ka hor inta aan lagu beddelin daafaca Elyon Mbala.
Ka qaybgalkiisa kulankii Lille ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee horumarkiisa degdegga ah ee uu ku dhex sameynayo kooxda Arsenal.
Kooxda waaweyn ee Arsenal (Gunners) ayaa iyaguna maalintaas ka adkaaday Napoli, iyagoo ku badiyay 1-0 kulankii furitaanka Champions League oo ay marti ahaan u ciyaareen.
Maalik, oo ah ciyaaryahan khadka dhexe oo hal-abuur leh, isla markaana ka ciyaari kara booska daafaca dhinaca ee weerarka ka qayb qaata, ayaa kooxda ku soo biiray 2022. Ka dib saddex sano oo shaqo adag iyo dadaal ah, wuxuu saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfad-yaqaanimo bishii Febraayo 2026.
Intii uu joogay xarunta tababarka ee Hale End, Maalik wuxuu ku caan baxay tuurista laadadka xorta ah (free-kicks), isagoo dhaliyay goolal cajiib ah oo uu ka dhaliyay kooxaha Southampton, West Brom iyo kuwo kale. Marka laga soo tago heshiiskiisa xirfad yaqaanimo, Maalik wuxuu xilli ciyaareedkii 2025/26 gaaray guulo kale oo muhiim ah; wuxuu markii ugu horreysay u saftay kooxda da’doodu ka yar tahay 21-ka sano (U21), wuxuuna dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee tartanka FA Youth Cup, kaas oo ka mid ahaa lix gool oo uu dhaliyay tartamada kala duwan.
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa xilliyadii dambe muujiyay inuu diyaar u yahay inuu fursado siiyo ciyaartoyda da’da yar, isagoo kooxda weyn soo geliyay xiddigo ay ka mid yihiin Ethan Nwaneri, Myles Lewis-Skelly iyo Max Dowman. Sidoo kale, Marli Salmon ayaa fursado helay, halka ciyaartoyda kala ah Ife Ibrahim, Ceadach O’Neill iyo Theo Julienne ay iyaguna horumar ka sameeyeen kooxda xilli ciyaareedkan.
Waxaa xusid mudan in Maalik Xaashi oo ay iska dhaleen aabbe Soomaali ah iyo hooyo Ingiriis ah uu xor u yahay inuu u safan karo xulka qaranka ee Soomaaliya ama kan Ingiriiska hadba kan uu doorbido.
Xigasho BBC
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maalik Hashi, oo ah ciyaaryahan khadka dhexe oo 18 jir ah, ayaa markii ugu horreysay lagu daray liiska kooxda koowaad ee Arsenal intii lagu jiray ciyaar Champions League ah oo ay la ciyaareen Lille.
Qodobada muhiimka ah
- Maalik Hashi waa ciyaaryahan khadka dhexe oo 18 jir ah oo markii ugu horreysay lagu daray liiska kooxda koowaad ee Arsenal.
- Maalik Hashi wuxuu ku dhashay magaalada London taariikhdu markay ahayd 3 Sebtembar 2008.
- Hashi waxa uu dhaliyay lix gool 34 kulan oo uu u saftay U18.
- Hashi wuxuu u xirtaa kooxda Arsenal lambarka 74-aad tartamada heerka Yurub.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid Arsenal ama dhinacyada kale.
- Faahfaahinta ku saabsan waxqabadka Hashi ee kulanka Lille lama sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Ku darista Maalik Hashi kooxda koowaad ee Arsenal waxay calaamad u tahay guul weyn oo ku saabsan xirfadiisa kubadda cagta.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhalan kara ku darista Hashi kooxda koowaad ee mustaqbalkiisa ciyaaraha?
- Sidee ayuu Arsenal u adeegsan doonaa xirfadaha Hashi kulamada soo socda?
- Maxay yihiin jawaabaha Hashi ka helay macallimiinta iyo asxaabtiisa?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa koritaanka ciyaaryahan Soomaaliyeed oo da'yar ah oo ku jira koox kubadda cagta caan ah, taasoo dhiirigelin u noqon karta ciyaartoyda kale ee da'da yar.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · kooxda · arsenal · waa
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee ka soo dhex muuqday kooxda Arsenal cayaartii ay maalmo ka hor la yeesheen Lille
BBC Somali
- Ilhaan Cumar ma laga qaadi karaa dhalashada? – Aqriso caqabadaha sharci ee jira
Caasimada Online
- Lafta-gareen oo war culus soo saaray kadib degmooyinkii ay qabsadeen ciidankiisa
Caasimada Online