Wargeyska Boston Globe oo shaaciyey arrinta Trump ku qarinayo beegsiga Soomaalida
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiWargeyska The Boston Globe ayaa daabacay qormo ra’yi ah oo si adag u dhaliilay weerarrada afka ah ee Madaxweyne Donald Trump ku hayo Soomaalida, isagoo ku xiriiriyay jawiga doorashooyinka Congress-ka iyo hoos u dhaca taageerada dadweynaha ee siyaasaddiisa socdaalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Qormada oo ay qortay Yvonne Abraham ayaa lagu sheegay in Trump uu maalmo xiriir ah weerarro ku qaaday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota.
- Abraham ayaa tusaale u soo qaadatay isu-soo-bax uu Trump Talaadadii ka jeediyay magaalada Wasilla ee gobolka Alaska.
- Hadalka Alaska wuxuu daba socday weerar kale oo uu Trump habeenkii Isniinta ka jeediyay Ohio, halkaas oo uu Soomaalida Minnesota ku tilmaamay dad ka yimid dal aysan dadkiisu xitaa haysan surwaal ay xirtaan.
- Maalintii uu Trump ka hadlay Ohio, saraakiil federaal ah ayaa baaritaan ku sameeyay guriga xildhibaan Ilhaan Cumar ee Washington, iyadoo baaritaanku la xiriiray eedeymo ku saabsan socdaalkeeda.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu iftiiminayaa saameynta suurtagalka ah ee hadallada siyaasadeed ay ku leeyihiin bulshooyinka laga tirada badan yahay iyo ra'yiga dadweynaha ee ku saabsan siyaasadaha socdaalka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Trump uu qaadi doono si uu uga jawaabo dhaliilaha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wargeyska The Boston Globe ayaa daabacay qormo ra’yi ah oo si adag u dhaliilay weerarrada afka ah ee Madaxweyne Donald Trump ku hayo Soomaalida.
- Trump ayaa maalmo xiriir ah weerarro ku qaaday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota.
- Hadallada Trump ayaa lagu xiriiriyay hoos u dhaca taageerada dadweynaha ee siyaasaddiisa socdaalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Wargeyska Mareykanka ee The Boston Globe ayaa qormo ra’yi ah oo uu Khamiistii daabacay si adag ugu dhaliilay weerarrada afka ah ee Madaxweyne Donald Trump ku hayo Soomaalida, isagoo ku xiriiriyay jawiga doorashooyinka Congress-ka iyo hoos u dhaca taageerada dadweynaha ee siyaasaddiisa socdaalka.
Qormada oo ay qortay Yvonne Abraham ayaa lagu sheegay in Trump uu maalmo xiriir ah weerarro ku qaaday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota. Qoraaga ayaa ku doodday in arrinta ugu walaaca badan aysan ahayn hadallada madaxweynaha oo keliya, balse ay tahay sida ay qaar ka mid ah taageerayaashiisu ugu riyaaqaan marka bulsho dhan la aflagaadeeyo.
Abraham ayaa tusaale u soo qaadatay isu-soo-bax uu Trump Talaadadii ka jeediyay magaalada Wasilla ee gobolka Alaska. Madaxweynaha ayaa halkaas ku eedeeyay Soomaalida inay dhac iyo burbur u geysteen Minnesota, isagoo sidoo kale adeegsaday hadallo meel ka dhac ku ah garaadkooda. Eedeymahaas ayuu u jeediyay guud ahaan Soomaalida, halkii uu ka hadli lahaa shakhsiyaad gaar ah.
Hadalka Alaska wuxuu daba socday weerar kale oo uu Trump habeenkii Isniinta ka jeediyay Ohio, halkaas oo uu Soomaalida Minnesota ku tilmaamay dad ka yimid dal aysan dadkiisu xitaa haysan surwaal ay xirtaan. Sidoo kale, qoraal uu madaxweynuhu ku baahiyay baraha bulshada ayuu dadka Minnesota ugu baaqay inay ka hortagaan muhaajiriinta Soomaaliyeed, oo uu ku eedeeyay rabshado iyo qalalaase, isaga oo ballanqaaday taageerada dowladda federaalka.
Maalintii uu Trump ka hadlay Ohio, saraakiil federaal ah ayaa baaritaan ku sameeyay guriga xildhibaan Ilhaan Cumar ee Washington, iyadoo baaritaanku la xiriiray eedeymo ku saabsan socdaalkeeda. Abraham ayaa qormadeeda ku tilmaantay eedeymahaas kuwo aan sal adag lahayn. Baaritaanka laftiisa ma aha caddeyn muujinaysa in xildhibaannadu dembi gashay.
Taageerayaasha Trump oo doodda udub-dhexaad u ah
Waxa si gaar ah u soo jiitay qoraaga muuqaal laga duubay taageerayaashii Trump ee ka dambeeyay masraxa Alaska. Waxay tilmaantay haweeney jaakad cas xiratay oo dhoollacaddeyneysay markii Soomaalida la weeraray, gabar koofiyad Trump ah xiratay oo muujisay diidmo, iyo rag kale oo ku faraxsanaa hadallada madaxweynaha.
Abraham ayaa falcelintaas ku macneysay astaan muujinaysa sida hadallada lagu beegsanayo muhaajiriintu u helaan taageero siyaasadeed. Waxay Trump ku barbar dhigtay George Wallace, siyaasigii Mareykanka ee caan ku ahaa difaaca kala soocidda midabada, iyadoo adeegsatay isbarbardhig ay ku xustay Nelson Mandela. Qoraaga ayaa ka digtay in dadka taageeraya hadalladan ay bulshada Mareykanka ku sii jiri doonaan xitaa marka Trump xilka ka tago.
Dhanka kale, wargeysku wuxuu soo xigtay sahanno tilmaamaya in taageerada siyaasadda socdaalka ee Trump ay yaraatay marka loo eego rajadii qaar ka mid ah cod-bixiyeyaashiisa. Sahan ay Reuters samaysay bishii September ayaa muujiyay in kaliya 36% dadka la wareystay ay taageersan yihiin habka uu u maareynayo socdaalka. Sahan kale oo New York Times ka sameysay shan gobol oo Jamhuuriyiintu ku xooggan yihiin ayaa helay taageero dhan 47% oo ka timid cod-bixiyeyaasha ay suuragalka tahay inay codeeyaan.
Abraham ayaa ku doodday in qaar ka mid ah dadkii markii hore taageerayay adkeynta socdaalka ay hadda ka niyad-jabeen howlgallo horseeday kala fogaanshaha qoysas, dhibaatooyin dhaqaale iyo dhimasho. Waxay xusuusisay in Trump uu ololihiisii 2024 si cad ugu ballanqaaday masaafurin ballaaran, halka taageerayaashiisu ay siteen boorar ay ku qornaayeen baaq ah in masaafurinta si degdeg ah loo bilaabo.
Soomaalida oo ka walaacsan hadallada madaxweynaha
Abdi Yusuf, oo madax ka ah xarunta Somali Development Center ee xaafadda Dorchester ee Boston, ayaa wargeyska u sheegay in Soomaalidu hore u filayeen afar sano oo adag markii Trump dib loo doortay. Wuxuu sheegay inay cabsi badan tahay in magaca bulshadooda lala xiriiriyo aflagaado ka imaanaysa qofka ugu awoodda badan dunida.
Yusuf, oo Mareykanka yimid 1979-kii, ayaa xaruntaas aasaasay qiyaastii 30 sano ka hor. Waxay caawisaa muhaajiriin dalal kala duwan ka yimid, kuwaas oo ay qaar badan noloshooda ka dhisteen Mareykanka, shaqeysteen, qoysas yeesheen, isla markaana ganacsiyo abuureen.
Qoraaga ayaa xustay in dad badan oo muhaajiriin ah ay ka soo carareen dagaallo iyo barakac, soo mareen hannaan dheer oo socdaal, dabadeedna ay nolol cusub ka bilaabeen Mareykanka. Hase yeeshee, waxay sheegtay in dadkaas hadda loo adeegsanayo kuwo lagu eedeeyo dhibaatooyinka dalka, iyadoo Soomaalida aysan ahayn bulshada keliya ee la beegsanayo; waxay sidoo kale xustay dadka Haiti, Latino-ga iyo muhaajiriinta kale ee aan caddaanka ahayn.
Jeff Thielman, oo madax ka ah International Institute of New England, ayaa sheegay in dadka ay hay’addiisu caawiso aysan ka tanaasulin hamigooda, inkastoo ay la kulmayaan cadaadis. Weli waxay dhigtaan fasallada Ingiriisiga, shaqooyin ayay codsadaan, waxayna raadsadaan waxbarasho iyo hagid. Thielman ayaa sheegay in caawinta dadkaas ay qayb ka tahay la dagaallanka cunsuriyadda, inkastoo uu qiray in xaaladda hadda jirta ay niyad-jab leedahay.
Gunaanadka qormadeeda, Abraham ayaa doorashooyinka soo socda ku tilmaantay imtixaan ku saabsan jihada Mareykanka: inuu sii ahaado dal fursad siiya dadka u soo hayaamay iyo inuu aqbalo siyaasad bulshooyin dhan ka dhigaysa bartilmaameed. Waxay ku adkaysatay in su’aashaas aysan ku ekaan doonin hal doorasho ama muddada xilka Trump, balse ay saameyn ku yeelan doonto mustaqbalka bulshada Mareykanka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wargeyska The Boston Globe ayaa daabacay qormo ra’yi ah oo si adag u dhaliilay weerarrada afka ah ee Madaxweyne Donald Trump ku hayo Soomaalida, isagoo ku xiriiriyay jawiga doorashooyinka Congress-ka iyo hoos u dhaca taageerada dadweynaha ee siyaasaddiisa socdaalka.
Qodobada muhiimka ah
- Wargeyska The Boston Globe ayaa daabacay qormo ra’yi ah oo si adag u dhaliilay weerarrada afka ah ee Madaxweyne Donald Trump ku hayo Soomaalida.
- Trump ayaa maalmo xiriir ah weerarro ku qaaday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota.
- Hadallada Trump ayaa lagu xiriiriyay hoos u dhaca taageerada dadweynaha ee siyaasaddiisa socdaalka.
- Sahanno tilmaamaya in taageerada siyaasadda socdaalka ee Trump ay yaraatay marka loo eego rajadii qaar ka mid ah cod-bixiyeyaashiisa.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay qormo ra’yi ah mana bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha.
- Ma jiraan jawaabo ka yimid Trump ama taageerayaashiisa oo ku saabsan dhaliilaha.
- Maqaalku ma caddeynayo faahfaahinta gaarka ah ee sahannada la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Qormada ra’yiga ah ee The Boston Globe waxay muujinaysaa walaaca ku saabsan cawaaqibka hadallada Trump ee Soomaalida iyo siyaasaddiisa socdaalka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Trump uu qaadi doono si uu uga jawaabo dhaliilaha?
- Sidee ayay weerarradan u saameyn doonaan bulshada Soomaalida ee Mareykanka?
- Maxay yihiin cawaaqibka doorashooyinka soo socda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu iftiiminayaa saameynta suurtagalka ah ee hadallada siyaasadeed ay ku leeyihiin bulshooyinka laga tirada badan yahay iyo ra'yiga dadweynaha ee ku saabsan siyaasadaha socdaalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaalida · boston · wargeyska