Wasiirka Warfaafinta oo Furay Aqoon-isweydaarsi Qaran oo Ku Saabsan Ilaalinta Dhaxalka Taariikheed ee Soomaaliya
Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa furay Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee ku saabsan Barnaamijka Diiwaanka Xasuusta Dunida ee UNESCO (Memory of the World), kaas oo diiradda lagu saarayo ilaalinta iyo badbaadinta dhaxalka taariikheed ee Soomaaliya. Aqoon isweydaarsigan waxaa soo qaban qaabisay Hay’

Wasiirka Warfaafinta, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa furay Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee ku saabsan Barnaamijka Diiwaanka Xasuusta Dunida ee UNESCO si loo ilaaliyo dhaxalka taariikheed ee Soomaaliya.
Maxaa la shaaciyey
- Aqoon-isweydaarsigan waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO, oo kaashanaysa Barnaamijka JFIT ee Dowladda Japan.
- Wasiirka ayaa sheegay in Kaydka Radio Muqdisho uu yahay dhaxal nool oo u baahan badbaadin degdeg ah.
- Aqoon-isweydaarsigan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah.
“Kaydka Radio Muqdisho waa hoyga taariikhda fanka, dhaqanka iyo qaran-dhiska Soomaaliyeed, wuxuuna u baahan yahay badbaadin degdeg ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la ilaaliyo dhaxalka taariikheed ee Soomaaliya si loo xoojiyo aqoonsiga iyo jiritaanka ummadda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa furay Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee ku saabsan Barnaamijka Diiwaanka Xasuusta Dunida ee UNESCO (Memory of the World), kaas oo diiradda lagu saarayo ilaalinta iyo badbaadinta dhaxalka taariikheed ee Soomaaliya.
Aqoon isweydaarsigan waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO, oo kaashanaysa Barnaamijka JFIT ee ay maalgeliso Dowladda Japan. Waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka socday hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha ka shaqeeya ilaalinta taariikhda, dhaqanka, fanka, suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Lea Simonini, oo ka socotay UNESCO, ayaa sheegtay in barnaamijkani muhiim u yahay fahamka iyo horumarinta kaalinta Soomaaliya ee ilaalinta xusuusta taariikhiga ah.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa hadal-jeedintii furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta xusuusta qaran iyo dhaxalka warbaahineed ee dalka, isaga oo tilmaamay in Kaydka Radio Muqdisho uu yahay dhaxal nool oo xambaarsan taariikhda iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, una baahan badbaadin degdeg ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.