Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Xasan oo la kulmay safiirka Turkiga kadib fashilkii wada-hadallada mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacado uun kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii uu kula jiray Golaha Mustaqbalka ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya gudaha magaalada Muqdisho, Alper Aktaş. Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashigooda ku qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalah

SO
Xasan oo la kulmay safiirka Turkiga kadib fashilkii wada-hadallada mucaaradka
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacado uun kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii uu kula jiray Golaha Mustaqbalka ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya gudaha magaalada Muqdisho, Alper Aktaş.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashigooda ku qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka.

Danjire Alper Aktaş ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu garab taagan yahay dowladnimada Soomaaliya, xilli haatan ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso Villa Somalia iyo mucaaradka oo xulafo la ah Jubaland iyo Puntland.

Dhankiisa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Turkiya uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan dowladiisa, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralturkigasafiirkawada
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.