Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Jowhargeneral

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo 40 cisho kadib war kasoo saaray xarriga Sacdiya Bajaaj

May 25(Jowhar) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa shaaciyay in kiiska Sacdiya Bajaaj dhawaan la horgeyn doono maxkamadaha dalka. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in marka la dhammeeyay baaritaannadii kiiska, la helay dhammaan eedihii loo haystay Sacdiya Bajaaj, taasoo suuragelisay in dacwadda si rasmi ah loogu gudbiyo maxkamadda. Sacdiya Bajaaj ayaa haatan ku […]

SO
Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo 40 cisho kadib war kasoo saaray xarriga Sacdiya Bajaaj
Sawir / xog muuqaal ah · Jowhar
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Jowhar

May 25(Jowhar) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa shaaciyay in kiiska Sacdiya Bajaaj dhawaan la horgeyn doono maxkamadaha dalka.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in marka la dhammeeyay baaritaannadii kiiska, la helay dhammaan eedihii loo haystay Sacdiya Bajaaj, taasoo suuragelisay in dacwadda si rasmi ah loogu gudbiyo maxkamadda.

Sacdiya Bajaaj ayaa haatan ku xiran Xabsiga Dhexe muddo ka badan 40 maalmood, iyadoo kiiskeedu si weyn u soo jiitay dareenka bulshada.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in cadaaladda la marsiin doono kiiska, islamarkaana maxkamaddu go’aan ka gaari doonto eedaha loo jeediyay.

Isha: Jowhar. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Jowhar
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralbajaajsacdiyailaaliyaha
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.