Xiisad Ka Xoogan Taagan Xarunta Canshuurta ee Degmada Afgooye
Afgooye, Soomaaliya – Waxaa laga soo waramayaa xiisad culus ka taagan xarunta canshuuraha iyo saldhigga booliiska ee degmada Afgooye, kadib muran la xiriira nidaamka ururinta canshuuraha. Ciidanka Daraawiishta Koonfur-Galbeed ay hareereeyeen xarunta degmada iyo saldhigga booliiska, iyagoo maalintii labaad ka hor taagan in la qaado canshuurta ka soo xaroota mootooyinka ka shaqeeya gudaha deg

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Afgooye, Soomaaliya – Waxaa laga soo waramayaa xiisad culus ka taagan xarunta canshuuraha iyo saldhigga booliiska ee degmada Afgooye, kadib muran la xiriira nidaamka ururinta canshuuraha.
Ciidanka Daraawiishta Koonfur-Galbeed ay hareereeyeen xarunta degmada iyo saldhigga booliiska, iyagoo maalintii labaad ka hor taagan in la qaado canshuurta ka soo xaroota mootooyinka ka shaqeeya gudaha degmada.
Wasaaradda Maaliyadda ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu xannibayo habkii hore ee canshuur ururinta, isla markaana ay doonayso in dakhligaasi si toos ah ugu soo xaroodo akoonka Wasaaradda ee magaalada Baydhabo.
Dhanka kale, maamulka degmada Afgooye ayaa si adag uga horyimid go’aankaas, iyagoo ku adkeysanaya in dakhliga canshuurta lagu maareeyo gudaha degmada si loogu adeego baahiyaha deegaanka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan