Xog: Ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay Balidoogle xilli la filayo howlgallo culus
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhigga Baledogle ee koonfurta Soomaaliya kaddib toddobaadyo maqnaansho ah, iyadoo la filayo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab inay raacaan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen garoonka ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose ku dhawaad toddobaad ka hor.
- “Waxaan kuu sheegi karaa in ciidamada Mareykanka ay hadda joogaan Baledogle, isla markaana habeenkii Axadda iyo Isniinta ay fuliyeen howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah argagixisada,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.
- Sarkaalku wuxuu ka gaabsaday inuu sheego halka ay ciidamadu uga baxeen markii hore sababo la xiriira arrimo amni, isagoo intaas ku daray in ciidamada kumaandooska Danab ee uu Mareykanku tababaray ay gacanta ku hayeen saldhigga intii ay maqnaayeen.
- Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) weli si rasmi ah uma shaacin soo laabashadan, waxaana sidoo kale aan weli caddayn tirada ciidamada dib ugu noqday saldhiggaas.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin howlgalada gaarka ah ee ay qorsheynayaan ciidamada Mareykanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhigga Baledogle ee koonfurta Soomaaliya kaddib toddobaadyo maqnaansho ah.
- Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadu ay fuliyeen howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah argagixisada habeenkii Axadda iyo Isniinta.
- Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Danab iyo cutubyo kale oo milatari ah ay toddobaadyadii la soo dhaafay dileen qiyaastii 285 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhigga ciidan ee Baledogle oo ah garoon muhiim u ah howlgallada lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, toddobaadyo kaddib markii ay halkaas ka baxeen, sida ay ilo wareedyo u sheegeen Caasimada Online.
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen garoonka ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose ku dhawaad toddobaad ka hor.
“Waxaan kuu sheegi karaa in ciidamada Mareykanka ay hadda joogaan Baledogle, isla markaana habeenkii Axadda iyo Isniinta ay fuliyeen howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah argagixisada,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.
Sarkaalku wuxuu ka gaabsaday inuu sheego halka ay ciidamadu uga baxeen markii hore sababo la xiriira arrimo amni, isagoo intaas ku daray in ciidamada kumaandooska Danab ee uu Mareykanku tababaray ay gacanta ku hayeen saldhigga intii ay maqnaayeen.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) weli si rasmi ah uma shaacin soo laabashadan, waxaana sidoo kale aan weli caddayn tirada ciidamada dib ugu noqday saldhiggaas.
Howlgal qorsheysan
Sarkaalka ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhawaan qaadi doonaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo la filayo in ciidamada Mareykanku ay bixiyaan la-talin, gacan ka geystaan hagidda howlgallada, ayna fuliyaan duqeymo cirka ah.
“Al-Shabaab sidii hore ma aha. Hogaamiyeyaal badan oo khibrad lahaa ayaa laga dilay,” ayuu yiri sarkaalku. “Waxay hadda awooddaa oo keliya inay halligto nolosha dhallinyaro aan waxba kala ogayn oo ay u dirto dagaallo ay marar badan ku dhintaan.”
Maalintii Isniinta, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Danab iyo cutubyo kale oo milatari ah ay toddobaadyadii la soo dhaafay dileen qiyaastii 285 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo ka howlgalayey afar gobol, iyagoo taageero dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada caalamiga ah, waxaana ka mid ahaa 12 horjooge oo uu ku jiro horjoogihii aasaasaha ahaa Isaaq Aadan Madgaab, oo loo yaqaanay Isaaq Ukurow.
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa maalmahan howlgallo wadajir ah oo dhulka iyo cirka ah ka fuliyey agagaarka degmada Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ilo amni ay ku sheegeen in lagu dilay 61 dagaalyahan, tiradaas oo Caasimada Online aysan si madaxbannaan u xaqiijin karin.
AFRICOM ayaa toddobaadkii hore sheegtay in ciidamada Mareykanku ay duqeyn ku qaadeen Al-Shabaab meel u dhow magaalada xeebta ah ee Kismaayo 17-kii November, iyagoo la kaashanaya dowladda Soomaaliya, taas oo ka dambeysay duqeymo ka dhacay agagaarka Leego iyo laba goobood oo kale oo koonfurta Soomaaliya ah intii u dhexeysay 13-kii ilaa 15-kii November.
War-murtiyeed wadajir ah oo Isniintii soo baxay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika inay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda.
Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa tan iyo bartamihii 2000-meeyadii u dagaallameysay inay rido dowladda Soomaaliya, waxayna weli weerarro ku qaaddaa bartilmaameedyo milatari iyo kuwo rayid ah.
Kharashka dhabbaha diyaaradaha
Wararkii ugu horreeyay ee ku saabsan bixitaanka ciidamada ayaa soo baxay dabayaaqadii bishii October iyadoo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah. Warsidaha Task & Purpose ayaa 6-dii November warbixiyey, isagoo soo xiganaya sarkaal milatari oo Mareykan ah, in ciidamadu ay u wareegeen meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya ayna dib ugu laaban karaan Baledogle.
“U wareejinta Baledogle waxay 100 boqolkiiba ahayd go’aan dhaqaale,” ayuu yiri taliye ku xigeenka AFRICOM, Lieutenant General John Brennan, oo 10-kii November u warramayay suxufiyiinta, isagoo xaqiijiyey bixitaanka ciidamada.
Brennan wuxuu sheegay in dhabbaha diyaaraduhu uu noqday mid aan ammaan ahayn oo ay adag tahay in lagu dego, taliskuna uusan haysan tobannaanka milyan ee doolar ee looga baahan yahay dib-u-dhiskiisa, isagoo intaas ku daray in inta badan askarta loo raray Muqdisho xilli Washington ay sii waddo taageerada ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Injineerrada ciidamada lugta ee Mareykanka ayaa saldhigga Baledogle ka dhisay xarun caafimaad sanadkii 2025, taas oo qayb ka ahayd dadaallo lagu doonayey in saldhigga looga dhigo mid waqti dheer ah, sida lagu sheegay warbixin milatari oo Mareykanku ka qoray mashruucaas.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bishii September ka qayb-galay munaasabadda qalin-jebinta dufcaddii 12-aad ee ciidamada Danab oo ka dhacday Baledogle, isagoo uga mahadceliyey Mareykanka taageerada uu siiyo kumaandooska.
Weli ma cadda in wax laga beddelay ama la dayactiray dhabbaha diyaaradaha ee saldhiggaas tan iyo markii ay arrintaas soo baxday.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhigga Baledogle ee koonfurta Soomaaliya kaddib toddobaadyo maqnaansho ah, iyadoo la filayo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab inay raacaan.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhigga Baledogle ee koonfurta Soomaaliya kaddib toddobaadyo maqnaansho ah.
- Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadu ay fuliyeen howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah argagixisada habeenkii Axadda iyo Isniinta.
- Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Danab iyo cutubyo kale oo milatari ah ay toddobaadyadii la soo dhaafay dileen qiyaastii 285 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in ciidamada Mareykanku ay bixiyaan la-talin, gacan ka geystaan hagidda howlgallada, ayna fuliyaan duqeymo cirka ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo aan magac lahayn iyo sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
- Tirada ciidamada Mareykanka ee dib ugu laabtay saldhigga lama cayimin.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha AFRICOM ee ku saabsan soo laabashada.
Gunaanadka akhristaha
Dib u soo laabashada ciidamada Mareykanka ee Baledogle waxay muujinaysaa diiradda cusub ee lagu wajahayo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin howlgalada gaarka ah ee ay qorsheynayaan ciidamada Mareykanka?
- Sidee ayay dib u soo laabashada ciidamada Mareykanka u saameyn doontaa dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab?
- Waa maxay arrimaha amni ee sababay in markii hore ciidamada Mareykanka ay baxaan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · mareykanka · ciidamada