Xogta dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo dib uga qarxay Mooyaale
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDagaal ayaa mar kale ka qarxay magaalada Mooyaale oo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, kaas oo soo bilowday xalay kuna socday ilaa barqadii maanta, iyadoo la soo sheegay khasaare labada dhinac ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dagaalka oo socday saacado badan ayaa soo bilowday xalay , wuxuuna soo gaaray illaa barqadii maanta, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
- Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Oromada, kadibna ay iska difaaceen ciidamada Soomaalida oo sameeyay iska caabin xooggan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
- Dagaalka maanta ayaa daba socday iska hor imaadyo horay uga dhacay magaalada, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 100 qof, iyadoo QM ay sheegtay in 50,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda, sababo la xiriira colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromda.
- Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli labada dhinac ay wadaan is uruursi ciidan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee u dhexeeya bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada, kuwaas oo sababay barakac ballaaran iyo baahiyo bini'aadantinimo.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo xalliyo dagaalka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dagaal ayaa mar kale ka qarxay magaalada Mooyaale oo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
- Dagaalka oo socday saacado badan ayaa soo bilowday xalay, wuxuuna soo gaaray illaa barqadii maanta.
- Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Mooyaale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo mar kale dib uga qarxay gudaha magaalada Mooyaale oo dhacda xadka u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Kenya, kaas oo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Dagaalka oo socday saacado badan ayaa soo bilowday xalay , wuxuuna soo gaaray illaa barqadii maanta, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Oromada, kadibna ay iska difaaceen ciidamada Soomaalida oo sameeyay iska caabin xooggan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Dagaalka maanta ayaa daba socday iska hor imaadyo horay uga dhacay magaalada, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 100 qof, iyadoo QM ay sheegtay in 50,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda, sababo la xiriira colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromda.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli labada dhinac ay wadaan is uruursi ciidan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalka.
Si kstaba, ha;ahaatee, dagaalka ka socda Mooyaale ayaa salka ku haya khilaaf ka dhashay muran soo jireen ah oo ku saabsan xuduudaha maamul iyo dhul ay isku hayaan bulshooyinka Boorana ee Oromada iyo Garre ee Soomaalida.
Hay’adda la socota colaadaha ee ACLED ayaa sheegtay in xiisadda ugu dambeysay ay billaabatay 18-kii Oktoobar, kaddib markii xafiis cusub oo uu leeyahay maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida laga furay meel magaalada ka tirsan oo lagu muransan yahay, calanka maamulkana laga taagay.
Iska horimaadkaas waxaa ku dhimatay gabar 13 jir ah oo Oromo ah, iyadoo ay jiraan warar is khilaafsan oo ku saabsan sida ay ku dhimatay. ACLED waxay sheegtay in dagaalladu dib u xoogaysteen 22-kii Oktoobar, ayna ku lug yeesheen ciidamo ka tirsan labada dowlad-deegaan iyo maleeshiyaad, ka hor inta aysan ku fidin deegaanno kale oo ku dhow Mooyaale.
Colaadda ayaa dhalisay barakac ballaaran. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa 28-kii Oktoobar sheegtay in mas’uuliyiinta maxalliga ahi qiyaaseen in ilaa 50,000 oo qof ay u gudbeen Kenya, iyadoo diiwaangelinta iyo hubinta tiradu ay weli socdeen.
Dad badan oo qaxay waa haween iyo carruur. Qaar waxay la degeen ehel iyo bulshooyinka martigeliyey, halka kuwo kalena ay hoy ka dhigteen iskuullo iyo kaniisado. UNHCR waxay cuntada ku tilmaantay baahida ugu degdegga badan, waxaana sidoo kale loo baahan yahay biyo nadiif ah, hoy, adeegyo nadaafadeed iyo daryeel caafimaad.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaal ayaa mar kale ka qarxay magaalada Mooyaale oo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, kaas oo soo bilowday xalay kuna socday ilaa barqadii maanta, iyadoo la soo sheegay khasaare labada dhinac ah.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaal ayaa mar kale ka qarxay magaalada Mooyaale oo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
- Dagaalka oo socday saacado badan ayaa soo bilowday xalay, wuxuuna soo gaaray illaa barqadii maanta.
- Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac.
- QM ayaa sheegtay in 50,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda, sababo la xiriira colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaare.
- Ma jiro wax jawaab ah oo ka timid maamullada labada dhinac oo ku aaddan dagaalka.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo maxalli ah oo ku saabsan qaar ka mid ah sheegashooyinka.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Mooyaale ayaa weli kacsan, iyadoo dagaal socdo iyo walaac bini'aadantinimo ay jiraan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo xalliyo dagaalka?
- Sidee ayay maamullada maxalliga ahi uga jawaabayaan barakaca dadka?
- Maxay yihiin cawaaqibka muddada dheer ee dagaalkan ee bulshooyinka ku lugta leh?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee u dhexeeya bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada, kuwaas oo sababay barakac ballaaran iyo baahiyo bini'aadantinimo.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mooyaale · uga · dhexeeya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada