Xuutiyiinta oo ballaarinaya gacan-ku-hayntooda xeebaha galbeed ee Yemen iyo Bab al-Mandab-oo wajahaya xiisad cusub
Xaaladda dagaalka Yemen ayaa si weyn u kacsan kadib markii Xuutiyiintu ay toddobaadyadii u dambeeyay ballaariyeen gacan-ku-hayntooda qaybo muhiim ah oo ka tirsan xeebaha galbeed ee dalka, taasoo keentay in indhaha caalamku si gaar ah ugu jeestaan marinka Bab al-Mandab, oo ka mid…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Xuutiyiintu waxay ballaariyeen gacan-ku-hayntooda qaybo muhiim ah oo ka tirsan xeebaha galbeed ee Yemen, oo ay ku jiraan jasiiradaha Mayyun, Hanish-ka Weyn, iyo Hanish-ka Yar.
- kii September, Xuutiyiintu waxay qabsadeen magaalada dekedda ah ee Mocha.
- Ciidamada dowladda Yemen ee taageerada ka hela Sacuudiga ayaa bilaabay weerarro rogaal-celin ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo horumarka Xuutiyiinta.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Xaaladda dagaalka Yemen ayaa si weyn u kacsan kadib markii Xuutiyiintu ay toddobaadyadii u dambeeyay ballaariyeen gacan-ku-hayntooda qaybo muhiim ah oo ka tirsan xeebaha galbeed ee dalka, taasoo keentay in indhaha caalamku si gaar ah ugu jeestaan marinka Bab al-Mandab , oo ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.
Xuutiyiintu waxay la wareegeen dhulal xeebeed iyo jasiirado ay ka mid yihiin Mayyun (Perim), Hanish-ka Weyn iyo Hanish-ka Yar , iyadoo horumarkooda uu gaaray aagga u dhexeeya Hodeidah, Mocha iyo Bab al-Mandab.
Horumarkan ayaa wax ka beddelay khariidadda dagaalka ee xeebaha Badda Cas, oo muddo dhowr sano ah aan isbeddel weyn ka dhicin. Warbixin kale oo Al Jazeera ah ayaa sheegtay in Xuutiyiintu 10-kii September ay qabsadeen magaalada dekedda ah ee Mocha , halka maalintii xigtayna ay sii ballaariyeen gacan-ku-hayntooda Mayyun, Dhubab iyo jasiiradaha Hanish.
Inkasta oo Xuutiyiintu ay sameeyeen horumar dhuleed oo degdeg ah, haddana khubaradu waxay tilmaamayaan in ilaalinta dhul ballaaran oo xeebeed ay ka adag tahay qabsashadiisa .
Xeebaha Tihama ee galbeedka Yemen waa dhul furan oo ciidamada ka dhigaya kuwo si fudud loogu arki karo looguna bartilmaameedsan karo weerarrada cirka.
Sida uu sheegay madaxa xafiiska Al Jazeera ee Yemen, Xuutiyiintu waxay u baahan yihiin ciidamo badan iyo sahay joogto ah si ay u difaacaan aagga ballaaran ee u dhexeeya Hodeidah, Mocha iyo Bab al-Mandab.
Khubarada milatariga ayaa sidoo kale tilmaamay in Xuutiyiintu inta badan ku tiirsan yihiin dagaal dhuumaaleysi ah, dhaqdhaqaaqyo degdeg ah iyo ka faa’iidaysiga dhulka buuraha ah.
Dhinaca kale, ciidamada dowladda Yemen ee taageerada ka hela Sacuudiga ayaa bilaabay weerarro rogaal-celin ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo horumarka Xuutiyiinta.
Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay weerareen fariisimo iyo qalab ciidan oo Xuutiyiintu ku lahaayeen Dhubab iyo Al-Khokha , halka dagaallo laga soo sheegay aagga Al-Waziyah iyo duleedka Al-Mudaraba ee gobolka Lahj.
weerarradani waxay Xuutiyiinta ku qasbi karaan inay ciidamadooda ku kala firdhiyaan xeebaha, jasiiradaha iyo furimaha kale ee dagaalka, taasoo kordhin karta culayska saaran ciidamadooda iyo sahaydooda.
Si loo yareeyo cadaadiska ka haysta xeebaha, Xuutiyiintu waxay sidoo kale kordhiyeen hawlgallada militari ee ka socda Marib iyo Lahj, wuxuuna Gobolka Lahj muhiim u yahay dhinaca istiraatiijiyadda, maadaama uu yahay mid ka mid ah marinnada dhulka ee u dhow magaalada Cadan , oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowladda Yemen.
Haddii dagaalku ku sii fido aagaggaas, waxaa suuragal ah in furimaha kala duwan ay isku xirmaan, taasoo sii adkeyn karta xaaladda militari ee dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta.
Arrinta ugu weyn ee walaaca dhalinaysa ayaa ah meesha uu Bab al-Mandab kaga jiro ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah, ayadoo Marinkani uu isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed , wuxuuna muhiim u yahay maraakiibta u kala goosha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Bariga Dhexe.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xuutiyiintu waxay ballaariyeen gacan-ku-hayntooda qaybo muhiim ah oo ka tirsan xeebaha galbeed ee Yemen, taasoo keentay in indhaha caalamku si gaar ah ugu jeestaan marinka Bab al-Mandab. Ciidamada dowladda Yemen ayaa bilaabay weerarro rogaal-celin ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
Qodobada muhiimka ah
- Xuutiyiintu waxay ballaariyeen gacan-ku-hayntooda qaybo muhiim ah oo ka tirsan xeebaha galbeed ee Yemen, oo ay ku jiraan jasiiradaha Mayyun, Hanish-ka Weyn, iyo Hanish-ka Yar.
- 10-kii September, Xuutiyiintu waxay qabsadeen magaalada dekedda ah ee Mocha.
- Ciidamada dowladda Yemen ee taageerada ka hela Sacuudiga ayaa bilaabay weerarro rogaal-celin ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo horumarka Xuutiyiinta.
- Khubarada milatariga ayaa sidoo kale tilmaamay in Xuutiyiintu inta badan ku tiirsan yihiin dagaal dhuumaaleysi ah, dhaqdhaqaaqyo degdeg ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda Yemen ama ciidamada Sacuudiga ee ku saabsan xaaladda.
- Eedeymaha ku saabsan istiraatiijiyadda milatari iyo fikradaha khubarada ma ahan kuwo la xaqiijiyay madax-bannaan.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinno ka yimid Al Jazeera iyada oo aan la bixin ilo kale oo madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Yemen ayaa isbedelaya iyadoo isbedelada dhuleed ee muhiimka ah ay saameyn ku yeelan karaan waddooyinka maraakiibta caalamiga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin istiraatiijiyadaha gaarka ah ee ciidamada dowladda Yemen ay adeegsanayaan?
- Sidee bay ballaarinta gacan-ku-haynta Xuutiyiinta u saameyn doontaa maraakiibta caalamiga ah ee maraya Bab al-Mandab?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka suurtagalka ah ee xaaladda bani'aadamnimada ee Yemen?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Bab al-Mandab ee ganacsiga caalamiga ah iyo saameynta dagaalka socda ee xasilloonida gobolka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · galbeed · xeebaha · hayntooda