Wararkii ugu dambeeyay dibadbaxyo ka dhacay Koonfur Galbeed oo Turkiga…
Baydhaba (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa taageero xoogan u muujisay Turkiga, kadib markii deegaanno ka tirsan maamulkaas iyo qaybo kamid ah Jubbaland lagu gubay calanka Turkiga.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa taageero xoogan u muujisay Turkiga, kadib markii deegaanno ka tirsan maamulkaas iyo qaybo kamid ah Jubbaland lagu gubay calanka Turkiga.
Dibad-baxyo balaaran oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay inta badan degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa garab istaagga buuxa loogu muujiyay dowladda Turkiga oo ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya.
Dadka ka qayb-galay dibadbaxa ayaa soo qaatay calanka Turkiga iyo boorar ay ku xardhan yihiin erayo ay ku taageerayaan garab istaagga Turkiga.
Qaar kamid ah dibadb-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dareenkooda cabiray, iyaga oo sheegay inay abaal u ahayaan madaxweyne Erdogan iyo dowladdiisa oo xilli adag usoo gurmaday Soomaaliya.
“Banaanbaxaynu cambaareyn ma’aha tageero waayay Turkiga abaal wayn ayuu nagu leeyahay xilligii aan u baahnayn ayuuna garab istaag noo muujiyay,” ayay tiri hooyo kamid ah ururka haweenka ee Baydhaba.
Sidoo kale, waxaa dibadbaxa ka qayb-galay guddoomiyeyaasha gobollada iyo kuwa degmooyinka oo fagaare kula hadlay shacabka isku soo baxay, waxayna sidoo kale ka hadleen falkii lagu gubay calanka Turkiga oo ay cambaareeyeen.
“Falalka ay geysteen dad aan garanayn qiimaha xiriirka labada dal ma wiiqi karaan saaxiibtinimada iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Axmed.
Koonfur Galbeed ayaa hadda wajaheyso xaalad adag, waxayna dagaal kula jirtaa ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku sugan bannaanka magaalada Baydhaba, halkaas oo kasoo abaabulaan weerarro qorsheysan.
The post Wararkii ugu dambeeyay dibadbaxyo ka dhacay Koonfur Galbeed oo Turkiga… appeared first on Caasimada Online .
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · galbeed · koonfur · turkiga
Sii akhri
- Xuutiyiinta oo ballaarinaya gacan-ku-hayntooda xeebaha galbeed ee Yemen iyo Bab al-Mandab-oo wajahaya xiisad cusub
Goobjoog Somali
- Ujeedka kulan Villa Somalia ku dhex-maray Xasan iyo safiirka Turkiga
Caasimada Online
- Masar oo sheegtay in ay garab taagan tahay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
Raxanreeb Online