25 sano kadib weeraradii 9/11, Soomaaliya oo noqotay…
Muqdisho (Caasimada Online) – Shan iyo labaatan sano kadib weerarradii 11-kii September 2001 ee dunida indhaheeda ku jeediyey al-Qaacida iyo saldhigyadeedii Afghanistan, qaabka iyo goobta ay ka hawlgasho shabakaddaasi ayaa si weyn isu beddelay, iyadoo Soomaaliya maanta hoy u…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Shan iyo labaatan sano kadib weerarradii 11-kii September 2001 ee dunida indhaheeda ku jeediyey al-Qaacida iyo saldhigyadeedii Afghanistan, qaabka iyo goobta ay ka hawlgasho shabakaddaasi ayaa si weyn isu beddelay, iyadoo Soomaaliya maanta hoy u tahay garabka ugu rabshadaha badan kooxaha xiriirka la leh al-Qaacida.
Kooxda Al-Shabaab ayaa ku lug yeelatay in ka badan 2,300 oo dhacdo oo rabshado siyaasadeed ah sanadkan 2026, kuwaas oo ku dhow kala bar dhammaan dhacdooyinka rabshadaha ee ay ku lug leeyihiin faracyada al-Qaacida caalamka, sida lagu sheegay qiimeyn cusub oo ay soo saartay hay’adda xogta colaadaha ee ACLED.
Dr Ladd Serwat, oo ah falanqeeye sare oo ACLED u qaabilsan Afrika, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay kooxda hubeysan ee aan dowliga ahayn ee ugu awoodda badan Soomaaliya, isla markaana ay tahay faraca al-Qaacida ee ugu rabshadaha badan dunida.
Xogtan ayaa muujineysa sida uu isu beddeshay khatarta al-Qaacida tan iyo weerarradii 9/11, xilli ururku lahaa hoggaan aad u mideysan oo xaruntiisu ahayd Afghanistan, halka maanta awooddiisu ay ku kala firdhisan tahay kooxo goboleedyo ku dhex milmay colaadaha gudaha ee dalal kala duwan.
Afghanistan ilaa Soomaaliya
Markii ay dhaceen weerarradii 11-kii September 2001, al-Qaacida waxay xarumo ku lahayd Afghanistan, iyadoo heshay gabaad ay siisay Taliban.
Weerarradaas, oo ay ku dhinteen ku dhowaad 3,000 oo qof gudaha Mareykanka, ayaa horseeday duullaankii Mareykanka iyo xulafadiisu ku qaadeen Afghanistan iyo olole caalami ah oo lagu burburinayey al-Qaacida.
Sanadihii xigay, ururka waxaa ka dhintay ama laga dilay hoggaamiyeyaal badan. Osama bin Laden waxaa ciidamada Mareykanka ku dileen Pakistan sanadkii 2011, halka ninkii beddelay ee Ayman al-Zawahiri lagu dilay weerar diyaaradeed oo Mareykanku ka fuliyey Kabul sanadkii 2022.
Hase yeeshee, cadaadiskaas ma uusan soo afjarin al-Qaacida. Halkii ay ahaan lahayd hal urur oo hal meel laga maamulo, waxay si tartiib ah isugu beddeshay shabakad ay ka tirsan yihiin kooxo maxalli ah oo awood ku yeeshay meelo kala duwan.
“Jihaad-doonka caalamiga ah hadda kadib kuma wareego hal urur, hal hoggaan ama hal xarun juqraafiyeed,” ayay ACLED sheegtay.
Qaar ka mid ah faracyadii hore ee al-Qaacida ayaa iyaguna qaaday waddooyin kale. Faracii Ciraaq ayaa ugu dambeyn isu beddelay kooxda Daacish, halka Jabhat al-Nusra ee Suuriya ay xiriirkii al-Qaacida jartay, kadibna qayb ka noqotay Hayat Tahrir al-Sham.
Dhanka kale, Afrika ayaa si tartiib ah uga mid noqotay meelaha ugu muhiimsan ee ay ka hawlgalaan kooxaha xiriirka la leh al-Qaacida.
Al-Shabaab oo adkeysaneysa
Al-Shabaab waxay ka soo baxday garabkii hubeysnaa ee Maxkamadihii Islaamiga ahaa, kadib faragelintii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya dabayaaqadii 2006.
Kooxdu waxay sannadihii xigay si tartiib ah ugu dhawaatay al-Qaacida, waxaana xiriirkaas si rasmi ah loo shaaciyey bishii February 2012, markii hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu bayco la galay Ayman al-Zawahiri.
Afar iyo toban sano kadib, Al-Shabaab waxay noqotay faraca al-Qaacida ee ugu badan dhacdooyinka rabshadaha lagu diiwaangeliyey.
Kooxdu waxay weli ka hawlgashaa dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, inkastoo muddo dheer ay weerarro ku hayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah.
ACLED ayaa sheegtay in gobolka Shabeellaha Hoose uu sanadkan 2026 ka mid noqday meelaha sida weyn looga diiwaangeliyey rabshadaha ay Al-Shabaab ku lug leedahay.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ayaa weli wada howlgallo lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka, dagaalyahannada iyo kaabayaasha kooxda. Mareykanka ayaa sidoo kale kordhiyey duqeymaha uu ka fulinayo Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.
Si kastaba, Al-Shabaab waxay muujisay awood ay kaga badbaadi karto cadaadiska milatari, iyadoo weli haysata deegaano miyiga ah, uruursata dhaqaale badan, isla markaana fulisa weerarro ka dhan ah ciidamada iyo xarumaha dowladda.
Saaxilka oo soo xoogeysanaya
Inkasta oo Al-Shabaab ay tahay faraca ugu rabshadaha badan al-Qaacida, Soomaaliya ma aha meesha keliya ee Afrika ee shabakaddaasi ku xoogeysatay.
Kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin, oo loo yaqaan JNIM, ayaa si weyn ugu fidday gobolka Saaxilka, iyadoo hawlgalladeedu ka soo gudbeen Mali una gudbeen Burkina Faso, Niger, Benin, Togo iyo Nigeria.
ACLED ayaa sheegtay in kooxdaasi ay sanadkan billowday weerarro isku xiran oo gobol ahaan loo abaabulay, isla markaana cadaadis ku kordhisay magaalooyinka waaweyn iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Arrintaas ayaa keentay in falanqeeyayaasha ACLED ay isweydiiyaan in gobolka Saaxil uu isu beddelayo “xarun cusub oo culayska” al-Qaacida.
Taas macnaheedu ma aha in Soomaaliya ay noqotay xarunta taliska al-Qaacida ama in Al-Shabaab ay maamusho faracyada kale ee shabakadda.
Waxayse muujineysaa in al-Qaacida maanta ka duwan tahay ururkii aadka u mideysnaa ee laga maamuli jiray Afghanistan, iyadoo kooxaha xiriirka la leh ay awood ka dhisteen colaado iyo xaalado siyaasadeed oo kala duwan.
Xiriirka Yemen iyo Soomaaliya
Yemen, al-Qaacida Jaziiradda Carabta, oo loo yaqaan AQAP, waxay sanadihii hore ka mid ahayd faracyada ugu khatarta badan al-Qaacida, inkastoo dhaqdhaqaaqeeda militari uu hoos u dhacay.
Si kastaba, ACLED waxay sheegtay in xiriirka AQAP iyo Al-Shabaab uu weli fududeeyo isu gudbinta hubka, tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo khibradaha militari ee mara shabakadaha sharci darrada ah ee isku xira Soomaaliya iyo Yemen.
Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa xilli ay isa soo tarayaan warbixino ku saabsan xiriirro ka gudba Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, kuwaas oo ay ku jiraan hub, tababar iyo farsamooyin cusub oo ay adeegsadaan kooxaha hubeysan.
Khatartii 9/11 oo qaab kale yeelatay
Khatarta maanta ka dhalaneysa al-Qaacida aad ayey uga duwan tahay tii Mareykanka iyo xulafadiisu wajahayeen kadib weerarradii 9/11.
Waqtigaas, walaaca ugu weyn wuxuu ahaa urur caalami ah oo xaruntiisu tahay Afghanistan, kana awood badan inuu qorsheeyo weerarro waaweyn oo ka dhaca meel kumannaan kiiloomitir u jirta saldhiggiisa.
Maanta, qaar badan oo ka mid ah faracyada al-Qaacida waxay awooddooda ka helaan inay si qoto dheer ugu dhex milmaan colaadaha gudaha, canshuur ka qaadaan dadka iyo ganacsatada, kana faa’iideystaan dowladnimo daciif ah iyo khilaafaad siyaasadeed.
Soomaaliya waxay noqotay mid ka mid ah tusaalooyinka ugu cad ee isbeddelkan.
ACLED ayaa sidoo kale ka digtay in hubanti la’aanta ku saabsan taageerada amni ee caalamiga ah ay fursado cusub siin karto Al-Shabaab, gaar ahaan xilli ay jiraan caqabado dhaqaale oo saameynaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Shan iyo labaatan sano kadib 9/11, al-Qaacida hadda ma aha ururkii mideysnaa ee hal xarun looga talin jiray Afghanistan.
Saaxilka ayaa noqday mid ka mid ah meelaha ugu dhaqsaha badan ee ay kooxaha xiriirka la leh ku fidayaan, halka Soomaaliya ay hoy u tahay Al-Shabaab, oo sanadkan ku lug yeelatay ku dhowaad kala bar dhammaan rabshadaha lagu diiwaangeliyey faracyada al-Qaacida caalamka.
The post 25 sano kadib weeraradii 9/11, Soomaaliya oo noqotay… appeared first on Caasimada Online .
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- The article discusses the transformation of al-Qaeda's operations over 25 years since the 9/11 attacks, highlighting Somalia as a significant base for al-Qaeda affiliates, particularly Al-Shabaab.
Key claims
- Al-Shabaab has been involved in over 2,300 political violence incidents in 2026, which is nearly half of all such incidents linked to al-Qaeda affiliates globally.
- Al-Shabaab is reported to be the most powerful non-state armed group in Somalia and the deadliest al-Qaeda affiliate in the world.
- The article states that the nature and location of al-Qaeda's operations have significantly changed since the 9/11 attacks.
Source limitations
- The article relies on a report from ACLED for its claims about Al-Shabaab's activities.
- No independent verification of the figures or claims made is provided.
- The article does not include responses from the Somali government or other parties regarding the situation.
Reader takeaway
The rise of Al-Shabaab as a dominant force in Somalia reflects a significant shift in the landscape of global terrorism since 9/11.
What remains unclear
- What measures are being taken by the Somali government to address the rise of Al-Shabaab?
- How do these developments affect international counter-terrorism efforts?
- What is the current status of Al-Shabaab's leadership and operational capabilities?
Why it matters
The article highlights the ongoing threat posed by Al-Shabaab in Somalia, which has implications for regional and global security efforts against terrorism.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · security · security · soomaaliya · sano