Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
AUSSOM oo Bilowday Qorshaha Wareejinta Hawgalka Amniga Soomaaliya, 20 Sano Sano Kadib
Addis Ababa (WDN) – Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u bilaabay diyaarinta qorshaha lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed, taas oo calaamad u ah wejiga ugu dambeeya ee hawlgal muddo ku dhow labaatan sano laf-dhabar u ahaa amniga Soomaaliya. Qorshahan ayaa saldhig u ahaa kulan ka dhacay... The post AUSSOM oo Bilowday Qo

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Addis Ababa (WDN) – Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u bilaabay diyaarinta qorshaha lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed, taas oo calaamad u ah wejiga ugu dambeeya ee hawlgal muddo ku dhow labaatan sano laf-dhabar u ahaa amniga Soomaaliya.
Qorshahan ayaa saldhig u ahaa kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo dhex maray Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay istaraatiijiyadda bixitaanka AUSSOM iyo sida Soomaaliya uga diyaarsan tahay inay si buuxda ula wareegto amniga dalka.
Sida ilo xog-ogaal ahi sheegeen, Danjire Diene ayaa qiray in go’aannadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ee la xiriiray taageerada hawlgalka ay caqabado hor leh ku abuureen AUSSOM, taasoo sii xoojisay baahida loo qabo in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay si degdeg ah ula wareegaan masuuliyadda amniga ka hor dhammaadka sanadkan, marka uu dhacayo muddo-xileedka hawlgalka.
Wareejintan ayaa loo arkaa mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee soo mara taariikhda amniga Soomaaliya. Tan iyo markii la aas-aasay AMISOM, ka dibna loo beddelay AUSSOM, ciidamada Midowga Afrika waxay door muhiim ah ka ciyaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, difaaca hay’adaha dowladda, iyo dib-u-dhiska ciidamada ammaanka Soomaaliyeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Wardheer News
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.