Bakaracayaal ku sugan gobolka Bari oo wajahay xaalad adag
Qandala ( Raxanreeb Online) Boqollaal qoys oo horraantii bishan ka barakacay deegaanka Ceelgaal ee degmada Qandala, gobolka Bari, ayaa wajahaya xaalado nololeed oo adag, kaddib markii deegaanka ay saameeyeen roobab xooggan oo ay dabaylo wateen iyo daadad.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Qandala ( Raxanreeb Online) Boqollaal qoys oo horraantii bishan ka barakacay deegaanka Ceelgaal ee degmada Qandala, gobolka Bari, ayaa wajahaya xaalado nololeed oo adag, kaddib markii deegaanka ay saameeyeen roobab xooggan oo ay dabaylo wateen iyo daadad.
Roobabka iyo daadadka ka dhacay deegaanka ayaa sababay khasaare soo gaaray dadka deegaanka, waxaana laga soo sheegay in ay waxyeello kasoo gaartay xoolihii ay dhaqanayeen iyo beerihii ay ku tiirsanaayeen nolol-maalmeedkooda.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale ahaa kalluumaysato, kuwaas oo nolol-maalmeedkooda ka heli jiray badda, hase yeeshee xaaladda cimilada iyo burburka ka dhashay roobabka ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqooda nololeed.
Qoysaska barakacay ayaa hadda wajahaya baahiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin cunto, biyo, hoy iyo adeegyo caafimaad, iyadoo xaaladdooda nololeed ay sii adkaanayso kaddib markii ay waayeen qayb ka mid ah hantidii iyo ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen.
Dadka deegaanka ayaa ugu baaqaya maamulka Puntland, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda qoysaska barakacay, isla markaana loo fidiyo gargaar bani’aadantinimo.
Xaaladda qoysaskan ayaa muujinaysa saameynta ay roobabka xooggan iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan bulshooyinka ku tiirsan xoolaha, beeraha iyo kalluumaysiga, gaar ahaan deegaannada ay adeegyada aasaasiga ahi xaddidan yihiin.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · bari · adag · gobolka