Daacish oo weerartay guriga sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland
Qandala (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa xalay weerar ku qaaday guriga sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland, kaas oo ku yaalla deegaanka Kayaxa oo u dhow tuulada Sheebaab ee degmada Qandala.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Qandala (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa xalay weerar ku qaaday guriga sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland, kaas oo ku yaalla deegaanka Kayaxa oo u dhow tuulada Sheebaab ee degmada Qandala.
Xilliga uu weerarku dhacay, guriga waxaa ku sugnaa saddex carruur ah oo yaryar, hooyadood iyo ayeeyadood, waxaana lagu weeraray rasaas iyo bambooyin gacanta laga tuuro, sida uu sheegay sarkaalka ciidanka oo ah aabaha qoyska.
Taliyaha Horinta Daljir ee ciidanka Daraawiishta Puntland, Siciid Cali Orshe, oo ka hadlay weerarka lagu qaaday qoyskiisa, ayaa sheegay in uusan marnaba noqon doonin cabsi-gelin uu uga haro dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee Calmiskaad.
Inkastoo weerarku sababay burbur hantiyeed, haddana ma jirin wax khasaare nafeed ah oo kasoo gaaray dadka guriga ku sugnaa.
Ciidanka Puntland ayaa goobta gaaray kadib markii ay heleen wararka ku saabsan weerarka, balse kooxdii weerarka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, sida uu sheegay Siciid Orshe.
Ciidamada ayaa bilaabay raad-raac lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo aan weli la shaacin in la qabtay cid loo tuhunsan yahay weerarka.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Puntland ay wadaan howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish, taas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · sarkaal · tirsan · daacish
Keep reading
Live story thread
Open live story