Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Bedqabka Aadanaha: Sannadaha ay Dawladi ku Suurtagelin Karto (1/2)
Qaybta Kowaad: Waxa ay Tirooyinku ka Maragkacaan Saboolnimada, Dawladnimada iyo Bedqabka Aadanaha ee Soomaaliya Maalin kasta Soomaaliya waxaa ku dhasha 1,900 ilaa 2,200 oo carruur ah. Sannad gudihiis, tiradu waxay…
Reader briefing
Article context
What happened
- The article discusses the high birth rates in Somalia and the challenges related to child mortality and registration.
Key claims
- Every day, between 1,900 and 2,200 children are born in Somalia.
- UNICEF reports that only about 3% of Somali children under five are registered at birth.
- Approximately 70,000 to 80,000 of the children born this year may not reach school age.
Source limitations
- The article does not provide independent verification for the statistics mentioned.
- No responses from government officials or agencies are included.
- The causes of child mortality are mentioned but not specifically attributed to verified sources.
Reader takeaway
The high birth rates coupled with low registration and high mortality rates indicate significant challenges for Somalia's future.
What remains unclear
- What specific measures is the government taking to improve child registration?
- How does the government plan to address the high child mortality rate?
- What are the long-term implications of these statistics for Somalia's future?
Why it matters
The article highlights critical issues regarding child health and governance in Somalia, which could impact future generations.
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Qaybta Kowaad: Waxa ay Tirooyinku ka Maragkacaan
Saboolnimada, Dawladnimada iyo Bedqabka Aadanaha ee Soomaaliya
Maalin kasta Soomaaliya waxaa ku dhasha 1,900 ilaa 2,200 oo carruur ah. Sannad gudihiis, tiradu waxay mararka qaar gaartaa xaddi u dhexeeya 700,000 ilaa 800,000 oo muwaaddiniin soo kordhay ah, waxay taasi la macne tahay in magaalo hor leh ay sannad kasta ku kororto dal ay ku nool yihiin ilaa 20 milyan oo qof. Qofna ma sheegi karo tirada saxda ah, maxaayeelay carruurtaasi ma helaan tirakoob rasmi ah oo dawladeed. Hay’adda UNICEF waxay sheegtay in carruurta Soomaaliyeed ee shanta sano ka yar, qiyaastii 3 boqolkiiba oo qura dhalashadooda la diiwaangeliyey, 0.3 boqolkiibana ay haystaan shahaado dhalasho. Carruurta kale, oo ah 97 boqolkiiba ah, inkastoo ay hooyooyinkood u jiraan—oo ay yihiin nafley leh dhammaan astaamaha jiritaanka—misana, waa ayaandarree, weli kuma jiraan diiwaannada dawladdooda.¹ In yar bal suurayso: magaalo ay carruuri dhoobantahay, misana, waa yaabe, aysan dawladdoodu garan karin tiradooda, cayimi karin halka ay ku kala noolyihiin, ka warrami karin baahidooda, qorshana aysan ka lahayn! Dabadeed isweyddii su’aasha taas ka sii adag ee ah: immisa ayaa gaari doona sannadguuradooda shanaad? Qiyaastii ugu danbaysay waxay sheegaysaa in 1,000kii carruur Soomaaliyeed ahba ilaa 101 ay geeriyoodaan inta aysan shan jirsan. Saddex dal oo keliya—Nayjar, Nayjeeriya iyo Soomaaliya—ayaa weli leh heer dhimasho oo ka sarreeya 100 dhimasho 1,000kii dhalasho ee noolba. Haddii heerkaas lagu dabbaqo 700,000 ilaa 800,000 ee sannadkii dhasha, xisaabtu waa mid anfariir leh: haddii xaaladuhu sidooda iska sii ahaadaanna, qiyaastii 70,000 ilaa 80,000 oo ka mid ah dhallaanka sannadkan dhashay nolol kuma gaari doonaan da’da waxbarashada. Tiradani lagama soo dhiraandhirin diiwaannada dhimasho ee dawladda, waayo waddankeennu ma laha diiwaanno kaydiya dadkeenna dhinta iyo/ama kuweenna dhasha. Waase qiyaas muujinaysa baaxadda uu la egyahay ba’a na haysta oo tobankii carruur ahba mid ayaa dhinta inta uusan shan jirsan.² Dhimashooyinkani lama garan waayin sababaha keena(ya). Waa caadyaal! Qeybtood waxaa keena oofwareen; qaar fuuqbax ka dhashay shuban; qaar jadeeco aan la iska talaalin; qaarna nafaqadarro. Waxaa intaas dheer dhibaatooyin kale oo ay sababaan dayac ka dhasha xilliga dhalmada. Dhabtii, waa xaalado ay dalalka horumaray ay tobannaan ano horteed kaga adkaadeen tallaallo, biyo nadiif ah, ummulisooyin tababbaran iyo waddooyin u sahlaya hooyooyinka foolanaya gaaridda baraha caafimaad ee ay tahay in lagu baxnaaniyo. Si kale haddii loo dhigo, waa dhimashooyin ay dawlad xilkas ahi si foojigan uga hor tegi karto. Sidaas daraaddeed, qormadani waxay ku saabsan tahay lafagurka shaqadaas joogtada ah, ee ka bilaabata hawsha maalinlaha ah ee dawladda, taas oo aan sida badan aad u muuqanin, sida kharashaadka oo waqtigooda lagu bixiyo, tallaallada oo tayadooda la dhowro, biyaha oo bedqabkooda la baaro, waddooyinka oo la dayactiro, dhalashada carruurta oo la diiwaangeliyo, xogaha muwaaddiniinta oo la hubiyo, iyo waxa ku dhaca jirka ilmaha marka hawlahaas la qabto ama la dayaco oo laga xisaabtamo ama wax la iska weydiiyo. Marka muwaaddinku arko ka dhabaynta iyo hirgelinta waxbqabadyadaas taxan, waa hubaal in ballanqaadka siyaasigu noqonayo wax la taaban karo. Waa hubaal in miisaaniyaddu noqonayso mid waxtar leh, oo tallaal u goysa cid kastoo u baahan; tallaalkuna uu badbaado u noqdo carruur faro badan oo u le’an lahaa jadeeco la dawayn karay ama laga sii hortegi karay. Waa hubaal in miisaaniyaddu dhisi karto waddooyin u suurtageliya hooyooyinka ay fooshu gubayso in ay si fudud ku gaari karaan cisbitaallada dadweynaha iyo rugaha loo asteeyay daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Haddaba, weydiimaha ay qormadani inna hor keenayso way fududyihiin in la istoydo, wayse adag tahay in laga jawaabo: maxaa u dhexeeya siyaasad warqad ku qoran iyo samatabixinta dhallaanka? Yaa diiwaangeliya dhalashada carruurta? Yaa bixiya dhaqaalaha tallaalka? Yaa dhowra fayaqabka biyaha? Yaa hooyada foolanaysa siiya daryeelka ay u baahantahay? Yaa waddooyinka dayactira? Yaa degaannada xasilloonidooda suga? Yay tahay in lala xisaabtamo marka nidaamku shaqayn waayo? Kuwani ma aha weydiimo bedqabka bulshada taabanaya oo keliya; waase su’aalo si toos ah farta ugu godaya amniga dadka iyo dawladnimada. Marka kowaad, wax kasta hortood, waa in laga bilaabo diiwaangelinta dhalashada carruurta, sababtoo ah waa halka ugu horraysa ee uu muwaaddinku kula kulmo dawladdiisa, dawladduna muwaaddinkeeda kula kulanto! Diiwaangelinta dhalashadu waa hawl dawladdu leedahay, xataa marka ay cid kale gacan ka geysato fulinteeda. Urur aan dawli ahayn (NGO), cusbitaal gaar loo leeyahay ama ummuliso xirfadle ah ayaa dhalashada dhallaanka sugi karta, diiwaanhayaha dawladda ku wargelin karta ama qalab dhijitaal ah soo gelin karta xogta hadba cunuggii soo kordha. Hase ahaatee, bixinta shahaadada dhalashada iyo haynta diiwaanka muwaaddinku waa masuuliyad dawladeed oo aysan cid kale buuxin karin marnaba! Soomaaliya waxay leedahay hannaan sharciyeed oo lagu diiwaangeliyo dhalashada iyo dhimashada dadka. Tan iyo 2023kiina waxaa jira nidaam dhijitaal ah oo sannadkii 2025 ka shaqaynayey 48 degmo oo guud ahaan dalka ah, laba sannadood gudahoodna lagu diiwaangeliyay in ka badan 43,000 oo carruur ah. Marka loo eego malaayiinta Soomaaliyeed ee aan weli diiwaannada dawladda fursadda u helin in ay galaan, waa tallaabo bogaadin mudan oo hore loo qaaday, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa: “caano daatay dabadood la qabay”. Waa run oo in haddii qofku uusan helin shahaadada dhalashadu aysan macnaheedu ahayn in uusan jirin, waase arrin halis ah oo muujinaysa in uusan dawladdiisa u tirsanayn! Dawlad aan aqoon tirada dhallaanka ee had iyo goor dhasha ama dhinta, shaki ma laha in aysan si sugan u qorshayn karin tallaalkooda, waxbarashadooda iyo badbaadintooda.³ Arrinta kale waa dhererka cimriga la filan karo. Inkastoo maqaaddiirtu halkeeda tahay, haddana waxaa cad in ay jiraan xaalado saamaxaya in la saadaalin karo heerka nololeed ee ummad kasta, iyadoo laga duulayo heerka badbaadada iyo helidda adeegyada baxnaaninta. Tusaale ahaan, Xogta Bangiga Adduunka ee hadda la heli karo waxay cimriga qofka Soomaaliya ku dhasha, sannadkii 2024, ku qiyaasaystay 59.0 sannadood. Halka dalka Singabuur uu isla sannadkaas diiwaangeliyay in cimriga qofka dalkaas ku dhasha uu gaari karo celcelis dhan 83.5 sannadood. Farqigu waa qiyaastii afar iyo labaatan sannadood ama ku dhowaad rubuc qarni nololeed ah oo ay isdheeryihiin labada qof ee ku kala dhashay Soomaaliya iyo Singabuur. Akhristuhu wuxuu meelo kale ku arki karaa qiyaaso Soomaaliya u dhigaya bartamaha kontomeeyada. Qiyaasuhu sannadba sannadka ka danbeeya way kaladuwanyihiin. Metelan, abaartii 2022kii saabatay geyiga Soomaaliyeed dhimashada si weyn ayay kor ugu qaadday. Sidaas darteed, sugidda kaladuwanaanta tirooyinku ma aha wax sii ridan, marba haddii qiyaas kasta oo la soo hadalqaado ay Soomaaliya aad uga hoosaysiinayso dalalka ay nidaamyadooda dadweyne muddo dheer yareeyeen halisaha dhimasho ee laga hortegi karo.⁴ Immisa sannadood ayuu qofka Soomaaliga ahi fili karaa in uu noolaado? Oddoroska dhererka cimriga la filan karo wuxuu ka midyahay halbeegyada dadweyne ee sida ugu mudan looga dheehan karo hannaanka dal loo maamulo. Dooddu ma aha in xalku yahay inta madaxweyne ama wasiir yimaaddo uu qaado olole, muddaxileedkiisaas, uu misana sidaas Soomaaliya kaga saari karo hogga hoosaynta, kuna dari karo safka dalalka horumaray ee yareeyay halisaha dhimasho ee laga hortegi karo. Dawladina taas ma samayn karto! Doodda qummani waxay tahay in cimriga dheeri suurtagal noqon karo oo keliya marka: dawladdu ka libhesho halisaha laga hortegi karo; oo ay dadkeeda ka dhowrto abaaraha iyo tabaalaha adduun ee asaaggood ka reebay; oo ay dhisto adeegyo bulsho oo la isku hallayn karo, had iyo jeerna la heli karo, kaddibna ku fara-adaygto joogtayntooda, oo jiilba jiil ka dhaxlo! Qodob kasta oo tallaabooyinkaas ka mid ahi waxaa sees u ah go’aan siyaasadeed oo aan afka baarkiisa ahayn. Waxa ay Tiradu ka Maragkacdo Cimriga la filan karo, mar kasta, waa qiyaas ee hubanti ma aha! Hayeeshee, qiyaas kasta waxaa hadba si yaab leh ugu lammaan oo laga fahmi karaa waxa bulsho walba hesho ama heli waydo oo ay lumiso, sida: carruurta badbaadada xilliga ay muluqa yihiin; hooyooyinka foolanaya ee hela daryeel caafimaad oo ku habboon; biyo bedqabka qofka u roon; cunto ku ku filan dadka; xakamaynta cudurrada faafa; ammaanka waddooyinka iyo xaafadaha; iyo kahortegidda xanuunnada inta aysan safmarka noqon ee aysan gallaafanin kummaanka nafood. Waxaa maragmaddoonto ah in aan hadal lagu wanaajin karin oddoroskaas, saa meel ‘hoo’ u baahan hadal waxba kama taree! Waxaa lagu wanaajin karaa oo keliya in la beddelo xaaladaha uu oddoroskaasi ka tilmaanbixinayo. Sidaas awgeed, sax ma aha caafimaadka bulshada mlagu soo koobo cisbitaallada. Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu tilmaamayaa in caafimaadka qofka ay qaabeeyaan wadajirka: xaaladaha uu ku dhasho, ku koro, ku shaqeeyo, ku noolaado, kuna gaboobo. Saboolnimada iyo fursadyarida bulsheed raadkooda ayaa si toos ah looga dhex arki karaa hadba xaddiga cudurrada dadka warjeefa iyo dhimashada sahalka ah. Waa dhab oo tallaalku waa dawo; ha ahaatee, in lala gaaro cududda ilmo ku nool tuulo saddex saacadood u jirta laamiga ugu dhow, dhabtii, waa guul dawladnimo; waxayse u baahan tahay in talaalkaas la soo iibiyo, gaadiid la soo saaro, heerkul qabow lagu kaydiyo, hawlwadeenno tababbaran loo carbiyo, dhabbe iyo waddo lagu gaari karo degaankaas la helo, xog lagu kalsoonaan karo laga duulo, la kasbado oo la hanto kalsoonida shacabka iyo, ugu danbayn, in la helo cid lagula xisaabtamo marka ay hawshaasi fuli waydo!⁵ Dhinaca kale, biyo nadiif ahi iskood uma yimaaddaan, ee waxay u baahanyihiin injineerro ugu taga gunta dhulka oo ka soo saara, dawlad u samaysa xeerar iyo habraacyo dhowra tayadooda, koronto iyo dayactir joogto ah. Sidoo kale, helidda waddo dhisan ama aan dhisnayn ayaa go’aamin karta in hooyo foolanaysaa cusbitaalka gaarto iyo in kale; in raashinku suuqa yimaaddo iyo in kale; iyo, waa midda ugu muhiimsane, in hawlwadeennada caafimaad ay gaari karaan tuulo bartamaha dalka ku taalla iyo in kale. Go’aannada dawladdu waa dhif inta ay si toos ah u kordhin kartaan cimriga dadka–waxayse hoos u dhigi karaan halis jirta; waxay tayayn karaan adeegbixinta; waxay sare u qaadi karaan dakhliga qoysaska; waxay fursad waxbarasho siin karaan gabar yar oo tuuladoodii ari ku raacaysa; waxay hay’adaha dalka ka dhigi karaan kuwo lagu kalsoonyahay oo shacabku isku hallayn karo. “Dhibic-dhibic baa balli ku buuxsamaaye”, tobannaan sano gudahood, saamaynta raadadkaas yaryar oo isbiirsaday baa miradhalkoodu noqdaa dantakeliya ee aan leennahay, taas oo ah: carruur Soomaaliyeed oo faro badan oo badbaada iyo dad badan oo cimriya! Maxaa Soomaaliya Dibdhigay? Halka ay Soomaaliya maanta joogto waa natiijada waayidda aasaasiyaadkii bulshada oo muddo dheer isa soo taraysay iyo nuglaanta hay’ado dawladeed oo jiitantay, kuwaas oo dhalay: burbur dawladeed, colaado lagu riiqmay, barakac, abaaro ba’an oo aan sannad walba geyiga oo dhan wada saabta, adeegyo bulsho oo liita, kaabayaal dhaqaale oo aan jirin ama aad u yar iyo saboolnimo baahsan. Qoysaska Soomaaliyeed waxay marxalad kasta kaga soo gudbayn/samatabaxeen karti iyo dadaal, kuwaas oo aan ka xusi karno lacagaha dibedda uga yimaadda, ganacsiyada gaarka ah, istaakulaynta dhaqanka ku aroorta iyo gargaarka bani’aadannimo. Adkaysigaasi waa mid dhab ah oo jira, wuxuuna mudanyahay in si dhiirran la bogaadiyo. Laakiin, waxaa iyaduna xusid mudan in adkaysigu yahay tab ay dadku isu bixiyaan, marka dawladdu dadkeeda gabto. Si kasta oo uu u qiimo badanyahay isxilqaankaas bulsheed, waxaan shaki ku jirin in uusan keligiis buuxin karin kaalinta nidaam dawladeed oo shaqaynaya, mana habboona in culayskaas oo dhan dusha laga saaro dadweynahan ay toodu cuslaysay. Saboolnimadu lacagla’aan (busaaradnimo) oo qura ma aha. Sidoo kale, waa xaalad uu qoysku tahli waayo gaadiidkii gaarsiin lahaa rugaha caafimaadka; iibsan waayo wax uu quuto; awoodi waayo in uu ilmihiisa waxbarasho ka sii bixiyo; heli waayo biyo nadiif ah; ama uu saddex toddobaad dakhli la’aan ku noolaado. Waxaa jiritaanka arrintaas maragfur u noqon kara qiimayntii ugu danbaysay ee uu Bangiga Adduunka, taasoo tibaaxaysa in wax ka badan kalabar dadka Soomaaliyeed ay ku noolyihiin wax ka hooseeya xadka saboolnimada ee caadiga ah, iyadoo bulshooyinka reerguuraagu ugu sii daranyihiin. Saboolnimada Soomaaliya ayay warbixintu ku sheegtay mid dhinacyo badan leh, sida biyayaraan, fayadhowrla’aan, korontayari, waxbarashada oo liidata iyo in aan laga gaashaaman aafooyinka la fili karo dhiciddooda. Sidaas darteed, saboolnimadeennu, waa ayaandarro inteeda la ege, waa isugeynta aafooyinkaas!⁶ Waayidda aasaasiyaadka noloshu waxay dadka u nugleeyaan dhibaato kasta oo la soo gudboonaata. Ilmo nafaqadarro hayso ayaa u dhiman kara caabuq yar oo uu kaga bogsan lahaa in uu helo cunto nafaqo ahaan dhammaystiran, yacnii waa qof durey ama hargab uu kaalmaati u waayay darteed u godgala! Hooyo xaammilo ah oo aan gaari karin rugaha daryeelka ee hooyada iyo dhallaanka ayaa u ummulraaci karta baxnaano la’aan. Bal suurayso qoys Soomaaliyeed oo neefkii xoolahoodaba ugu danbeeyay isaga iibiya si ay daawo u siistaan! Waa hubaal in qoyskaasu ceyroobayo, baylahna u noqonayo abaarta ugu soo horraysa ee asiibta. Sidaas awgeed, saboolnimadu waxay ku sidkantahay oo ku jirtaa doodgelinta oddoroska cimri ee bulsho kastaa filan karto, marna ma aha arrin ka baxsan. Dawladdii doonaysa inay dadkeedu cimri dheer noolaadaan waa in ay, wax kasta oo kale horteed, qoysaskeeda u suurtagelisaa inay wax tacbadaan, wax kaydsadaan oo dhigaal samaystaan, oo ka kabtaan dhibaatooyinka waayuhu ku markadaan—sababta oo ah, “belaayo kahortag mooyaane, kadabatag ma leh!” Teeda kale, in xaaladda maanta jirta hal hoggaamiye ama hal maamul dusha laga saaraa waa hadal meleggiis galay! Sababtoo ah, qaar ka mid ah duruufahaas waa kuwo la iska dhaxlay; qaarna waxay ka dhasheen dagaallo, abaaro, xasilloonidarro goboleed iyo/ama go’aanno laga gaaray dibedda dalka. Ma jiro hal masuul oo horjoogsan kara dhibaatooyinka oo dhan. Laakiin, taasi ma aha in masuuliyaddu tahay wax ka dhigan, “cadow ku cunay ama ku ciideeyay” ama in dhibta oo dhan dusha loo rito ama la iska wada diido; yacnii masuulku sida uusan wax kasta cawaaqibtooda u wada qaadaynin, ayuu, misana, uga wada madaxbannaanayn! Haddii aan tagtadeenna milicsanno, tan iyo dhismihii Jamhuuriyadda Saddexaad, Dawladda Soomaaliyeed lama imaan rabitaan siyaasadeed oo dhab ah oo ay ilaalinta nolosha aadanaha ku siinaysa mudnaan iyo hortebin ka mid danaha qaranka. Si aan taas u garanno aan marka hore dul istaagno miisaaniyadda. Miisaaniyaddu kama maragkacayso niyadda siyaasiga; waxayse, miisaaniyaddu, muujinaysaa in ballanqaadka siyaasigu leeyahay dhaqaale lagu fuliyo, joogtayn lagu taabbageliyo iyo islaxisaabtan daba yaal—haddaan Soomaali nahayna—sooyaalka arrintaasi ma aha mid aan ku faani karno! Maamulxumadeenna dawladeed ee isbarkan kuma koobna musuqmaasuq, kartidarro ama ujeeddooyin gurracan iyo dano shakhsi ah—inkasta oo ay misana intaasi jiraan–haddana waxaa dheeraad ku ah in si joogta ah loogu guuldarraysto in awoodda dawladnimo loo beddeli waayo badbaado muwaaddinku ku tashan karo, yacnii in adeegga dawladeed uu sii shaqeeyo marka xafladdii daahfurku/xarigjarku idlaato; in xogta la ururiyo oo la adeegsado; in wasaaraduhu yeeshaan wadashaqayn dhow; in qorshuhu noqdo mid ku salaysan hiigsi qaran oo fog iyo hiraal dhaafsiisan gurmadka degdegga ah ee looga falceliyo arrimaha soo-booddada ah; iyo in la helo cid lagula xisaabtamo marka ay hay’adi qaban waydo hawshii loo igmaday. Si aan taas dhab ahaan u fahanno, lacagta ayaa wax badan noo iftiiminaysa. WHO waxay sheegtay in 95 boqolkiiba maalgelinta daryeelka caafimaadka Soomaaliya ay ka timaaddo deeqbixiyayaasha dibedda, taas oo nidaamka oo dhan ka dhigaysa mid u qoobxiran go’aanno masiiri ah oo lagu soo gaaro caasimado shisheeye. Istaraatiijiyadda caafimaadka ee Soomaaliya qudheedu waxay diiwaangelisay in saamiga dawladdu ku lahayd kharashaadka caafimaadka dadweynaha ee la diiwaangeliyay uu dhanayahay xaddi u dhexeeya 7.8 boqolkiiba sannadkii 2018 ilaa 12.2 boqolkiiba sannadkii 2020. Inkastoo koror yari jiro, haddana, sida muuqata, waa mid ka soo kacay meel aad u hoosaysa. Isla istaraatiijiyaddaasina waxay ka digtay in qayb badan oo gargaarka ahi aysan haba yaraatee soo marin hannaanka dawliga ah.⁷ Daraasad la faafiyay sannadkii 2025 oo lagu sameeyey Xirmada Adeegyada Caafimaadka Aasaasiga ah (Essential Package of Health Services—EPHS), oo ah barnaamijka daryeelka aasaasiga ah ee dalka, ayaa muujisay in wax ka badan 90 boqolkiiba dhaqaalihii loo ballanqaaday muddada 2021–2026 uu ka yimid hay’ado caalami ah. Dawladda Federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka, marka la isku daro, waxay bixiyeen wax ka yar 10 boqolkiiba. Dhanka kale, qoysaska Soomaaliyeed iyaguna qayb weyn oo kharashka caafimaadka ah ayay jeebkooda ka bixiyaan. Tirooyinkan la iskuma dari karo, waayo hal wax ma wada qeexayaan. Hasayeeshee, dhammaantood hal meel ayay farta ku wada fiiqayaan: saaxiibbada caalamiga ah iyo qoysaska Soomaaliyeed ayaa dhaqaale ahaan garbaha ku haya nidaam maamulkiisu Soomaali yahay, tiirkiisa dhaqaalese aanu weli Soomaali ahayn. Sida aan u soo joognay, marka ay deeqda shisheeyuhu go’do, rugo badan oo caafimaad ayaa xirmi doona, masuul dawladeed oo arrintaas lagula xisaabtami doonaana ma jiri doono!⁷ Intani waa ka tilmaanbixinta iyo lafaguridda xaaladdeenna: dawlad aan weli carruurteeda tirakoobin, diiwaanna aan u yeelin; heer dhimasho carruureed oo dunida oo dhan ay laba dal oo keliya ay Soomaaliya kaga sarreeyaan; farqi ku dhow rubuc qarni oo u dhexeeya cimriga qofka Soomaaliga ah ee la malayn karo iyo midka dadyowga ku dhaqan dalalka ay dawladahoodu wax isku falayaan, sida Singabuur oo aan hore u soo carrabownay; iyo nidaam caafimaad oo maamulkiisu Soomaali yahay, tiirarkiisa dhaqaale se ay shisheeye ku xiranyihiin. Qaybta labaad ee maqaalkan ayaan lafaguridda waaqica uga gudbi doonnaa wax-iska-weydiinta masuuliyadda; innagoo su’aal ka keeni doonna kaalinta wasaarad kasta ay ku leedahay—Wasaaradda Caafimaadka oo qura ma ahee—cimriga qofka Soomaaliga ah iyo sida ay muwaaddiniintu ula xisaabtami karaan wasaaradahaas. _______ Qormadan waxaa laga soo dheegay cutubka 11aad ee buugga Fahandarrada Amniga ee uu qoray Guddoomiyaha Machadka Saldhig, Mudane Xuseen Sheekh Cali
Maalin kasta Soomaaliya waxaa ku dhasha 1,900 ilaa 2,200 oo carruur ah. Sannad gudihiis, tiradu waxay mararka qaar gaartaa xaddi u dhexeeya 700,000 ilaa 800,000 oo muwaaddiniin soo kordhay ah, waxay taasi la macne tahay in magaalo hor leh ay sannad kasta ku kororto dal ay ku nool yihiin ilaa 20 milyan oo qof. Qofna ma sheegi karo tirada saxda ah, maxaayeelay carruurtaasi ma helaan tirakoob rasmi ah oo dawladeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.