Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Boqortooyadda Sacuudiga oo xukun dil ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaali ah
RIYADH – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in Axaddii shalay ay xukun dil ah oo toogasho ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay dambi la xiriira inay si sharci darro ah dalka u geliyeen maandooriyaha xashiishka, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA). Wasaaradda Arrimaha […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
RIYADH – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in Axaddii shalay ay xukun dil ah oo toogasho ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay dambi la xiriira inay si sharci darro ah dalka u geliyeen maandooriyaha xashiishka, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA).
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Axmed Aadan Cabdi Ibraahim, Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan, iyo Maxamuud Cabdiraxmaan Ibraahim Xasan, oo dhammaantood ah muwaadiniin Soomaali ah, lagu daldalay xabsi ku yaalla gobolka Najran, oo ay ku jireen 45 maxbuus oo Soomaali ah.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen eedeysaneyaasha Soomaalida ah, isla markaana baaritaan kaddib loo gudbiyay maxkamadda madani ah, taasoo xukun dil ah ku riday xiliyo kala duwan.
Ehellada maxaabiistan ayaa sheegay in dhalinyaradan, oo qaarkood tahriib ku galay Sacuudiga iyagoo sii maray Yemen, lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalka Sacuudiga.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.