Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Ciidamada Uganda oo xiray warbaahin madax-bannaan, kadib amar ka soo baxay taliyaha ciidamada
Kampala, Uganda – Kooxda ugu weyn warbaahinta madaxa-bannaan ee Uganda, Nation Media Group (NMG), ayaa sheegtay inay ku jirto “go’doomin militari” kadib markii ciidamada Uganda ay xireen qaar ka mid ah xarumaheeda warbaahinta, amar uu bixiyay Taliyaha Ciidamada Dalka, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba. Ciidamo hubeysan ayaa Axaddii hareereeyay xarumaha NTV Uganda iyo Spark TV ee […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Kampala, Uganda – Kooxda ugu weyn warbaahinta madaxa-bannaan ee Uganda, Nation Media Group (NMG), ayaa sheegtay inay ku jirto “go’doomin militari” kadib markii ciidamada Uganda ay xireen qaar ka mid ah xarumaheeda warbaahinta, amar uu bixiyay Taliyaha Ciidamada Dalka, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.
Ciidamo hubeysan ayaa Axaddii hareereeyay xarumaha NTV Uganda iyo Spark TV ee magaalada Kampala, waxaana labada telefishin laga saaray hawada. Daawadayaashu waxay halkii baahinta ka arkeen farriin oranaysay, “Muqaal lama heli karo.”
Nation Media Group, oo xarunteedu tahay Kenya, waa shirkadda ugu weyn warbaahinta madaxa-bannaan ee Bariga Afrika, waxaana ay sidoo kale leedahay wargeysyada Daily Monitor iyo The EastAfrican, iyo xarumo kale oo warbaahineed.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, uu qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in warbaahintaasi ay si degdeg ah u joojin doonto howlaheeda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.