Ciidan Komaantoos oo lagu soo tababaraay dalka masar oo loo soo xiraay
Sept 23 (Jowhar)-Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa tababar heerkiisu sareeyo ugu soo xiray dalka Masar cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Sept 23 (Jowhar)-Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa tababar heerkiisu sareeyo ugu soo xiray dalka Masar cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay Kusimaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, Cabdixakiin Axmed Maxamed, U-qeybsanaha Milatariga Soomaaliya ee dalka Masar, Sarreeye Guuto Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Taliyaha Ciidamada Dallayadaha (Airborne) ee dalka Masar iyo saraakiil kale.
Ciidamada tababarka qaatay ayaa muddo tababarro heer sare ah ku qaatay dalka Masar, kuwaas oo diiradda lagu saarayay xirfadaha Ciidanka Kumaandooska, la-dagaallanka argagixisada, dagaalka magaalooyinka iyo hawlgallada dallayadaha (Parachute).
Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa munaasabadda ka jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin uu u jeediyay ciidamada tababarka soo dhammaystay, isagoo kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ay si hufan uga faa’iideystaan gudashada waajibaadka qaran.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni iyo difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kaas oo lagu xoojinayo tayada, awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Gaarka ah, si ay uga qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Jowhar
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · masar · dalka · soo
Keep reading
Live story thread
Open live story