Ciidan taageersan Laftagareen oo gudaha u galay Baydhabo iyo dagaal socda
Magaalada Baydhabo waxaa saaka ka socda dagaal, kaddib markii ay gudaha u galeen ciidan daacad u ah maamulkii hore ee… Sii akhri
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Magaalada Baydhabo waxaa saaka ka socda dagaal, kaddib markii ay gudaha u galeen ciidan daacad u ah maamulkii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo gaaray illaa aaga loo yaqaan Afar Irdoodka, sidda ay sheegeen dadka deegaanka.
Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada,taas oo u dhaxaysa ciidanka soo galay iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan, illaa haatana lama xaqiijin karo inta uu le’eg yahay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkaas ka dhashay.
Afhayeenka ciidanka taabacsan Laftagareen ayaa sheegay in ay magaalada Baydhabo qabsadeen, balse dhinaca kale maamulka kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa beeniyay warkaas.
Dagaalka Baydhabo ayaa imaanaya xilli lagu wadday in maanta magaaladaas lagu dhaariyo xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku soo baxay doorashadii dhawaan halkaas ka dhacday.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.