Daawo: Xamza oo ku dhawaaqay isbeddallo waa wayn – Maxa dhacaya?
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay isbeddallo waa wayn oo ay sameyneyso xukuumaddiisa, kuwaas oo la xiriira dib u habeynta shaqaalaha rayidka ee hay’adaha dowladda…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay isbeddallo waa wayn oo ay sameyneyso xukuumaddiisa, kuwaas oo la xiriira dib u habeynta shaqaalaha rayidka ee hay’adaha dowladda, iyada oo wajiga koowaad lagu bilaabi doono agaasime waaxeedyada wasaaradaha.
Xamza ayaa faray dhammaan golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.
“Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad farqadda (1), Sharciga Shaqaalaha Rayid ah qodobkiisa 7aad, iyo dhammaan xeerarka, shuruucda iyo qaraarada la xiriira Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladdda Federaalka ah, ayuu faray dhammaan Wasiirrada iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza Cabdi Barre.
Sidoo kale, wuxuu faray guddiga shaqaalaha rayidka dowladda in 20-Sebteembar la bilaabo wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta lagu sameynayo agaasime waaxeedyada, maadaama ay laf-dhabar u yihiin maamulka hey’adaha dowladda, ayna door muuqda ka qaataan hoggaaminta, hirgalinta siyaasadda, fulinta qorsheyaasha iyo joogtaynta shaqada hey’adaha.
Waxaa kale oo uu Ra’iisul wasaaruh sheegay in marka la hirgaliyo wajiga 1-aad sidoo kale dib-u-habayn lagu samayn doono agaasimayaasha guud ee hey’adaha dowladda, iyada oo lagu salaynayo karti, aqoon, khibrad, hoggaamin iyo waxqabad, si loo dhiso hoggaan maamul oo xirfad leh isla-xisaabtan leh oo ka shaqeeya natiijooyin muuqda.
Ujeedada laga leeyahay nidaamkan ayaa ah in dowladda federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, joogto ah, awoodda in uu hirgaliyo siyaasadda dowladda, una beddelo natiijooyin muuqda oo ay markhaati ka noqdaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in afartii sano ee la soo dhaafay, xukuumadda DanQaran ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha, maamulka iyo tayada hay’adaha dowladda, iyada oo ujeeddadu tahay in la helo hay’ado dowladeed oo leh saldhig sharci iyo maamul adag iyo Shaqaale Rayid ah oo leh aqoon, karti iyo karaan ku filan gudashada waajibaadka saaran.
“Waxaan dhidibka u taagnay tiirar sharci iyo kuwa hay’adaha ee lagama maarmaanka u ah dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ah, Waxa aan ansixinnay sharciyo, siyaasado, xeerar iyo qaab-dhismeedyo muhiim ah oo hagaya maamulka hay’adaha iyo shaqaalaha dowladda”. ayuu raaciyay.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha dalka, ayaa faray dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda in si buuxda loo hirgeliyo qaab-dhismeedyada hay’adaha ee la ansixiyey, iyada oo xilalka agaasime waaxeedyada lagu buuxinayo hannaan tartan furan, dhammaan shaqaalaha u qalma ee ku jira adeegga rayidka ah la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan xilalkaas, iyo in wixii xil ama jago bannaan ah ee shaqaalaha dowladda ah lagu buuxiyo hannaan tartan furan oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dowladda.
The post Daawo: Xamza oo ku dhawaaqay isbeddallo waa wayn – Maxa dhacaya? appeared first on Caasimada Online .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · dhawaaqay · waa · wayn