Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay saameynta burcad-badeednimada Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Shacabka kaga hadlay saameynta burcad-badeednimadu ku yeelatay Soomaaliya, amniga badaha iyo ganacsiga caalamiga ah.…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Shacabka kaga hadlay saameynta burcad-badeednimadu ku yeelatay Soomaaliya, amniga badaha iyo ganacsiga caalamiga ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in burcad-badeednimadu aysan ahayn oo keliya caqabad dhinaca amniga badaha ah, balse ay saameyn weyn ku yeelatay sumcadda Soomaaliya, dhaqaalaha dalka, kalluumeysiga sharciga ah, bulshooyinka ku nool xeebaha iyo badqabka badmaaxiinta.
Waxa uu xusay in heer caalami burcad-badeednimadu ay kordhisay kharashaadka gaadiidka badda, caymiska iyo sugidda amniga maraakiibta, iyadoo badmaaxiin badan ay la kulmeen afduub, rabshado iyo muddo dheer oo ay gacanta ugu jireen kooxaha burcad-badeedda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in cilmi-baaris uu sameeyay Bangiga Adduunku ay qiyaastay in burcad-badeednimada Soomaaliya ay dhaqaalaha caalamka ku kordhisay kharash gaaraya ilaa 18 bilyan oo dollar sannadkii muddadii daraasadda.
Isagoo ka hadlayay tallaabooyinka sharciyeed ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur wuxuu xusay in 10-kii Nofeembar 2025, Golaha Shacabka uu ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, halka 9-kii Sebteembar 2026 uu Aqalka Sare isna ansixiyay sharciga la xiriira la-dagaallanka burcad-badeedda iyo ka-hortagga afduubka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ansixinta labada Aqal ay muujinayso muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta sharciga, ilaalinta nolosha dadka, sugidda amniga badaha iyo ka qaybqaadashada amniga badaha ee heer gobol iyo caalami.
Si kastaba, wuxuu carrabka ku adkeeyay in sharci keliya aan lagu ciribtiri karin burcad-badeednimada, balse loo baahan yahay dhaqan-gelin wax-ku-ool ah, xoojinta hay’adaha amniga iyo ilaalinta badaha, awoodda garsoorka iyo dacwad-oogista, iyo sugidda amniga xeebaha.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la abuuro fursado dhaqaale oo wanaagsan oo ay helaan bulshada ku nool deegaannada xeebaha, iyadoo la sii xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka gobolka iyo saaxiibbada caalamka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn Xildhibaannada ugu baaqay in doodda ku saabsan burcad-badeednimada lagu saleeyo xog iyo faham qoto dheer, iyadoo diiradda la saarayo saameynta ay ku leedahay amniga, dhaqaalaha, bulshada xeebaha, khayraadka badda iyo ganacsiga caalamiga ah, isla markaana la soo jeediyo xalal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo amniga badaha Soomaaliya.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · hadlay · burcad · soomaaliya