Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo Qaabilay Wakiilka WHO ee Soomaaliya
MUQDISHO – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
MUQDISHO – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi, oo booqasho shaqo ku yimid xarunta safaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta, iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo caafimaadka Soomaaliya iyo wax ka qabashada caqabadaha caafimaad ee dalka.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Wakiilka WHO ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa isku-xirka hay’adaha iyo wada-shaqaynta dhinacyada kala duwan, si loo helo taageero wax-ku-ool ah oo gacan ka geysata dadaallada Dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada nidaamka caafimaadka, loona xaqiijin lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh oo waara. Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sare u qaadista xirfadaha iyo aqoonta howlwadeennada caafimaadka ee Soomaaliya.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · wakiilka · qaabilay · who