Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Qaabilay Madaxa WFP ee Soomaaliya
Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.
Kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa xoojinta iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda WFP ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan baahiyaha dadka nugul iyo sidii loo dardargelin lahaa gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo.
Kulanka ayaa si gaar ah looga wada hadlay fududeynta iyo dardargelinta hawlaha diyaaradaha WFP ee qaada gargaarka raashiinka iyo agabka kale ee loogu talagalay wax-ka-qabashada saameynta El Niño, kuwaas oo muhiim u ah in si degdeg ah loo gaarsiiyo dadka u baahan adeegyada gargaarka.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha gargaarka bani’aadantinimo ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda, si loo hubiyo in gargaarku si habsami leh, ammaan ah oo hufan u gaaro bulshada loogu talagalay.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Hay’adda WFP kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ee u baahan gurmadka bani’aadantinimo.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed, WFP iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimo, si loo kordhiyo waxtarka gargaarka loona gaarsiiyo dadka ugu baahida badan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · hoggaamiyaha · galbeed · qaabilay
Keep reading
Live story thread
Open live story- Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo Madaxa WFP Soomaaliya oo ka wada hadlay dardargelinta gargaarka Koonfur Galbeed
Goobjoog Somali
- Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Diyaar-garowga Saamaynta El Niño
Shabelle Media
- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo Qaabilay Wakiilka WHO ee Soomaaliya
Shabelle Media