DF oo ciidamo cusub kusoo bandhigtay Baydhaba + Sawirro
Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo cusub kusoo bandhigtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo dhammaystay tababar muddo uga socday halkaasi.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo cusub kusoo bandhigtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo dhammaystay tababar muddo uga socday halkaasi.
Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ugu tegay ciidamadan, maadaama ay dhammaysteen tababarkood, wuxuuna u jeediyay dardaaran culus.
Ugu horreyn taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha tababarka gacanta ku haya, isaga oo sidoo kale wax ka weydiiyay tababarka, noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee la baray.
Sidoo kale, wuxuu ciidamada ku bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen, wuxuuna kula dardaarmay inay noqdaan kuwo daacad ah oo u heellan gudashada waajibaadkooda qaran.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkan waday dadaallo lagu tayaynayo ciidamada, si ay u yeeshaan awood iyo diyaar-garow ku filan si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.
Soo bandhigidda ciidamadan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xiisad culus ay ka taagan tahay Baydhaba, taas oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore e Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.
Xaaladda ayaa hadda deggan, inkastoo ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan goobihii laga dagaalamay, taas oo suuragal ka dhigeysa inuu mar kale qarxo dagaalka, culaysna ku noqneysa shacabka ku dhaqan halkaasi.
Dagaalladan waxaa barbar socda duqeymo diyaaradeed oo qaar kamid ah saaxibada caalamiga ah ka fulinayaan aagga magaalada Baydhaba, iyada oo lala beegsanayo ciidamada ku sugan halkaas iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
The post DF oo ciidamo cusub kusoo bandhigtay Baydhaba + Sawirro appeared first on Caasimada Online .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · baydhaba · ciidamo · kusoo
Keep reading
Live story thread
Open live story