DF oo war kasoo saartay xaaladda markabka M/V JACUAR
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda markabka xamuulka ah ee M/V JACUAR (IMO 9181821), kaas oo ay sheegtay inuu caariyay kaddib markii ay cilad biyo-gal ah ka dhacday qayb ka mid ah markabka…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda markabka xamuulka ah ee M/V JACUAR (IMO 9181821), kaas oo ay sheegtay inuu caariyay kaddib markii ay cilad biyo-gal ah ka dhacday qayb ka mid ah markabka gudihiisa.
Wasaaradda ayaa sheegtay in markabka uu watay calanka Saint Kitts and Nevis, isla markaana uu ka soo shiraacday Nacala Port ee Mozambique, isagoo ku sii jeeday Adabiya Port ee dalka Masar.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, markabka ayaa siday qiyaastii 7,007.73 tan oo badeeco ah, waxaana saarnaa 18 shaqaale ah oo kasoo kala jeeda dalalka Hindiya, Suuriya iyo Masar.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markabka, iyadoo kaashanaysa hay’adaha kale ee ay khusayso.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay waddo gurmad iyo isku-duwidda hawlaha samatabixinta, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shaqaalaha saaran markabka iyo in si habsami leh loo maareeyo xaaladda.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay bulshada iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso la wadaagi doonto wixii war ah ee kasoo kordha xaaladda markabka.
Bayaanka wasaaradda ayaa kusoo beegmaya xilli ay hay’adaha dowladda Soomaaliya si dhow ula socdaan xaaladda markabka iyo hawlaha gurmadka ee socda.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · jacuar · xaaladda · markabka
Keep reading
Live story thread
Open live story