WAR DEG DEG AH: Markab Xamuul ah oo kusoo caariyay Xeebaha Soomaaliya
Muqdisho, 17 Sebteembar 2026: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in markabka xamuulka qaada ee M/V JACUAR (IMO 9181821) uu ku caariyay xeebaha Soomaaliya, kaddib…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 17 Sebteembar 2026: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in markabka xamuulka qaada ee M/V JACUAR (IMO 9181821) uu ku caariyay xeebaha Soomaaliya, kaddib markii ay biyo galeen qeyb ka mid ah markabka.
Markabka oo watay calanka Saint Kitts and Nevis ayaa ka soo baxay Dekedda Nacala ee dalka Mozambique, isagoo ku sii jeeday Dekedda Adabiya ee dalka Masar.
Markabka ayaa siday ku dhowaad 7,007.73 tan oo xamuul ah.
Waxaa markabka saarnaa 18 shaqaale ah, kuwaas oo u kala dhashay Hindiya, Suuriya iyo Masar.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markabka, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha ay khusayso, isla markaana la isku dubbaridayo howlaha gurmadka iyo samatabbixinta si loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha markabka.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay sii wadi doonto wargelinta shacabka iyo dhinacyada ay khusayso, iyadoo la bixin doono xog cusub marka xaaladdu isbeddesho.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · caariyay · soomaaliya · xeebaha
Keep reading
Live story thread
Open live story