Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
DFS oo markii ugu horreysey diyaaradda F-16 ku duqaysay Alshabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay adeegsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee…

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay adeegsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay adeegsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkiga, si ay u beegsato fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ugu yaraan 35 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka in ka badan 20 kalena lagu dhaawacay, waxaana bartilmaameedka lagu sheegay godad, kayd hub iyo goobo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in duqeynta kaddib ay goobta ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo is xigay, kuwaas oo ay ku macnaysay inay caddeyn u yihiin jiritaanka bakhaarro lagu kaydinayay hub, walxaha qarxa iyo saanad ciidan, waxaana dowladdu sheegtay in halkaasi ay yaalleen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo la qorsheynayay in lagu fuliyo weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Horseed Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.