Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Dibad-bax ballaaran oo ka dhacay Beledweyne iyo taageero loo muujiyay go’aanka Xasan Sheekh
Beledweyne (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan kaarka JSP ee HirShabelle oo la sheegay inla siinayo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dibad-baxa ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiinta gobolka, kuwa degmada iyo boqolaal shacab ah,

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Beledweyne (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan kaarka JSP ee HirShabelle oo la sheegay inla siinayo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dibad-baxa ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiinta gobolka, kuwa degmada iyo boqolaal shacab ah, iyada oo amniga ay sugeen ciidamada ammaanka ee Beledweyne.
Mas’uul sare oo ka hadlay dibad-baxa ayaa warbaahinta u sheegay inay taageerayaan xisbiga JSP iyo kaarka in la siiyo madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe oo mar kale u sharraxan xilka madaxweynaha ee maamulkaas.
“Maanta waxaan isugu soo baxnay banaanbax lagu taageerayo xisbiga JSP, degmada Beledweyne annaga oo ka kooban maamulka heer gobolka, heer degmo, wasiirro, xildhibaanno. Sidoo kale waxaan taagereynaa in kaarka la siiyay madaxweynaheenna Cali Guudlaawe Xuseen, waana garab taaganahay,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb-galay dibadbaxa Beledweyne.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.