Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Mareykanka oo si lama filaan ah uga Dagtay Garoonka Diyaaradaha Mooskoow ee Dalka Ruushka.
Talaado 25 Aug 2026 {HMC} Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Mareykanka ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Vnukovo ee ku yaal caasimadda Ruushka ee Moscow, markii hore duulimaadkan waxay warbaahintu u tebisay dhacdo aan caadi ahayn, xilligaa oo aysan jirin cid heshay xogta diyaaradan. Balse, warbixin ay mar dhow baahisay warbaahinta Mareykanka ka soo baxda […] The post Diyaarad ay

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Talaado 25 Aug 2026 {HMC} Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Mareykanka ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Vnukovo ee ku yaal caasimadda Ruushka ee Moscow, markii hore duulimaadkan waxay warbaahintu u tebisay dhacdo aan caadi ahayn, xilligaa oo aysan jirin cid heshay xogta diyaaradan.
Balse, warbixin ay mar dhow baahisay warbaahinta Mareykanka ka soo baxda ee Axios oo ku dhow Aqalka Cad ayaa lagu sheegay diyaaradan oo ahayd Boeing C-17A , inuu la socday madaxa hay’adda sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA-da, John Ratcliffe.
Duulimaadkan oo shalay ka soo baxay Washington, D.C., taas uma tegin Moscow , waxay diyaaradan oo ku duulaysay magaca RCH4555 ay sii martay garoon diyaaradeed oo ku yaalla caasimadda dalka Latvia ee Riga, hakasho ka dibna waxay toos ugu duushay Moscow.
Warbixinta Axios, waxaa kaloo lagu sheegay Mareykanka inuu wargeliyay Ukraine socdaalka madaxa CIA-da uu ku tagayo Moscow, iyagoo ka codsaday inay Ukraine joojiso duqeymaha ay ka gaysanayso Moscow inta wafdigan oo noqonaya kuwii ugu sarreeyay oo ka socda Mareykanka oo tagaya Moscow tan iyo bishii Jannaayo 2026 ay halkaa ku suganyihiin, iyadoo illaa hadda aan la faahfaahin ujeedka socdaalkan madaxa CIA-da ,marka laga soo tago Axios oo sheegtay saraakiil Ruush ah inuu la kulmayo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.