Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Qarax Argagixiso oo ka dhacay Suuriya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa qaraxii argagixisanimo ee lala beegsaday maqaaxi ku taalla magaalada Dimishiq ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca tiro kale oo badan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh la

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa qaraxii argagixisanimo ee lala beegsaday maqaaxi ku taalla magaalada Dimishiq ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca tiro kale oo badan.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh la wadaagaysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, waxayna u rajaynaysaa dhammaan dadka dhaawacmay in uu Alle siiyo caafimaad degdeg ah.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag buuxa la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Carabta Suuriya xilligaan adag, waxayna mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Suuriya.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.