Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Duqeyn ka dhacday Shabeelaha hoose oo Khawaarijta lagu laayey
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda FS ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, ayaa subaxnimadii maanta duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka fuliyay deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo gabbaad u ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta A
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda FS ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, ayaa subaxnimadii maanta duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka fuliyay deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo gabbaad u ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Duqeymaha ayaa lagu dilay ku dhowaad 35 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka in ka badan 20 kale ay soo gaareen dhaawacyo culus.
Duqeymaha kaddib, goobta la beegsaday waxaa ka dhacay qaraxyo waaweyn oo is xigxigay, kuwaas oo muujinaya inay ahayd meel loo adeegsado kaydinta hubka, walxaha qarxa iyo saanadda cadowga. Goobta waxaa sidoo kale ku sugnaa maleeshiyaad iyo gaadiid laga buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo loo diyaariyay fulinta falal argagixisanimo oo lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.