Faallo: Soo kabashada caasimadda iyo doorka maamul ee Jen. Muungaab
Haddii aad muddo dheer qurbaha ku noolayd, dalkaaga ma ku noqotay, mise Xamar ayaad soo booqatay? Marka dhinac kasta laga eego, waxaa kuu muuqanaya ammaan iyo horumar degdeg ah. Waxaa la arkayaa dib-u-dhis ballaaran, gaar ahaan Muqdisho oo si xowli ah, oo mucjiso u eg, dib ugu soo kabanaysa. Muqdisho, oo ah wadnaha iyo caasimadda […] The post Faallo: Soo kabashada caasimadda iyo doorka maamu

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Haddii aad muddo dheer qurbaha ku noolayd, dalkaaga ma ku noqotay, mise Xamar ayaad soo booqatay? Marka dhinac kasta laga eego, waxaa kuu muuqanaya ammaan iyo horumar degdeg ah. Waxaa la arkayaa dib-u-dhis ballaaran, gaar ahaan Muqdisho oo si xowli ah, oo mucjiso u eg, dib ugu soo kabanaysa.
Muqdisho, oo ah wadnaha iyo caasimadda Soomaaliya, waxay muddo dheer ahayd astaan u taagan adkaysi iyo dhabar-adayg. Inkastoo ay soo martay xaalado adag iyo burbur baaxad leh, maanta waxay maraysaa weji cusub oo dhismo, nabad iyo horumar ah. Horumarkan muuqda ma ahan mid iska yimid, balse wuxuu ka dhashay dadaal wadajir ah oo dhexmaray maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada caasimadda oo iskaashanaya.
Tan iyo markii Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab dib loogu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho 28-kii May 2025, wuxuu muujiyay hoggaan tusaale u ah isku-tashi iyo waxqabad. Iyadoo laga faa’iidaysanayo canshuuraha deegaanka, waxaa dib loo dhisay inta badan waddooyinkii burbursanaa, waxaana lagu xiray nalalka ku shaqeeya tamarta cadceedda. Tallaabadan waxay fududaysay isku-socodka dadka iyo gaadiidka, waxayna gacan ka geysatay in ganacsiyadu furnaadaan habeen iyo maalin.
Magaaladu waxay samaysay horumar la taaban karo oo dhanka kaabayaasha iyo dib-u-soo-kabashada dhaqaalaha ah. Dadaalladan waxaa hormuud ka ah maamulka gobolka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Muungaab, iyo hay’adaha nabadgelyada oo yeeshay isku-xir iyo iskaashi muuqda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.