Gabar 5 jir ah oo si xun loo dilay oo meydkeeda laga helay xarun Caafimaad
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo ( Raxanreeb Online) Gabar 5 jir ah oo la la’aa muddo labo habeen ayaa meydkeeda laga helay meel guriga qoyskeeda ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Meydka gabadha yar ayaa la sheegay in gelinkii dambe ee Jimcihii laga helay xarun caafimaad oo ku dhaggan guriga qoyskeeda oo ku yaalla deegaanka Xaqsoor.
Booliska ayaa sheegay in saddeex ruux oo kala ah labo dumar ah iyo Nin loo qabtay dhacdada, isla markaana uu baaritaano ku socdo.
Qoyska gabadha ayaa sheegay in Ikhlaas Ibraahim, ay wayeen 2-dii Duhurnimo ee Arbacadii, waxaana ciidamada ammaanka muddo labo maalin ah baaritaano ka wadeen gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda.
Ibraahim oo ah Aabaha qoyska ayaa sheegay in meydka gabadha ay ku arkeen jirdil iyo garaacid, in lagu ceejiyay xariga, balse weli mas’uuliyiinta baaritaanka ma aysan shaacin.
Sidoo kale hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Axmed Madoobe, ayaa la sheegay inuu soo fara-geliyay dhacdada gabadha, isla markaana ciidanka booliska iyo hay’adda Sirdoonka ku amray in ay si degdeg ah u baaraan dhacdada, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shaqsiyadkii loo qabto falkaasi.
Sarkaal booliska ah, ayaa sheegay in mid kamid ah dadka la xiray uu ilaalo ka ahaa dhismaha laga helay meydka gabadha yar.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · jir · meydkeeda · laga