Golaha Shacabka oo dalbaday in la kordhiyo goobaha laga qaato Aqoonsiga NIRA
Muqdisho, Soomaaliya – 22 Sebtembar 2026: Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, Soomaaliya – 22 Sebtembar 2026: Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) iyo Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle.
Kulanka oo uu shir guddoominayay kusimaha Guddoomiyaha Guddiga, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey), ayaa Wasiirka iyo Maareeyaha NIRA looga dhageystay warbixinno ku saabsan shaqada, waajibaadka iyo xaaladda guud ee Hay’adda NIRA.
Guddiga ayaa si gaar ah diiradda u saaray adeegyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta muwaadiniinta, iyadoo xubnaha Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen howlaha Hay’adda, caqabadaha horyaalla, adeegyada ay bulshada siiso iyo qorshayaasha horumarinta.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda NIRA, iyo sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada aqoonsiga ee dalka.
Gebagebadii, Guddiga ayaa maamulka NIRA kula dardaarmay in la kordhiyo goobaha diiwaangelinta iyo adeegyada aqoonsiga, si muwaadiniintu si fudud ugu helaan adeegyada Hay’adda.
Guddigu wuxuu sidoo kale ku boorriyay Hay’adda in la kordhiyo saacadaha shaqada, si loo fududeeyo helitaanka adeegyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta muwaadiniinta.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · shacabka · golaha · laga
Keep reading
Live story thread
Open live story- Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda
Somali National TV
- Golaha Shacabka oo su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Warfaafinta shaqada iyo qorshayaasha Wasaaradda
Goobjoog Somali
- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland oo Qaabilay Wafdi ka Socday Sweden iyo UNICEF
Shabelle Media